Lamine Yamal oo taariikh cusub qori kara – Ballon d’Or oo xaqiijisay in hal ciyaaryahan laba abaalmarin qaadan karo

0
FB_IMG_1791048003198

Hay’adda Ballon d’Or ayaa si rasmi ah u caddeysay arrin xiiso weyn dhalisay ka hor xafladda abaalmarinta 2026: hal ciyaaryahan ayaa isla habeenka xafladda ku guuleysan kara in ka badan hal abaalmarin. Qayb kasta waxay leedahay cod-bixin iyo musharraxiin u gaar ah, mana jiro xeer ka hor istaagaya ciyaaryahan ku guuleysta hal abaalmarin inuu sidoo kale qaato mid kale.

Arrintan ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa Lamine Yamal, kaas oo sanadkan loo magacaabay labada abaalmarin ee Ballon d’Or-ka ragga iyo Young Talent of the Year. Xiddiga Barcelona ayaa sidaas darteed haysta fursad uu ku sameeyo wax aan horay uga dhicin taariikhda xafladda, haddii uu labada abaalmarinba ku guuleysto.

Yamal wuxuu xilli ciyaareedkan qayb weyn ka qaatay guulihii Barcelona iyo Spain, iyadoo Ballon d’Or ay xustay LaLiga, Super Cup-ka Spain iyo Koobka Adduunka inay ka mid yihiin koobabka uu xilli ciyaareedkan ku guuleystay. Taasi waxay ka dhigtay magaciisa mid si weyn loogu hadal hayo tartanka abaalmarinta ugu weyn ee shaqsiga ah.

Haddii Yamal uu ku guuleysto labada qaybood, wuxuu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda Ballon d’Or hal xaflad ku qaata laba abaalmarin oo shaqsi ah. Xafladda 2026 ayaa lagu qaban doonaa London 26-ka Oktoobar, waxaana halkaas lagu ogaan doonaa in Yamal uu taariikhdaas qori karo iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *