Pedrito oo si rasmi ah u fariistay: Halyeeygii Barcelona ayaa soo xiray wayihiisa kubadda cagta!
Pedro Rodríguez, oo dunida kubadda cagta looga yaqaanay Pedrito, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha isagoo 39 jir ah. Xiddigii hore ee Barcelona ayaa sagootintiisa ku sameeyay muuqaal lagu duubay Camp Nou, garoonkii uu ka bilaabay safarkiisa cajiibka ah, isagoo sheegay in waqtigii la gaaray inuu bog cusub ka bilaabo noloshiisa.
Pedrito wuxuu Barcelona u ahaa mid ka mid ah xiddigihii ugu muhiimsanaa xilligii dahabiga ahaa ee kooxda, gaar ahaan waayihii uu Pep Guardiola hoggaaminayay. Wuxuu Barça u ciyaaray 321 kulan, isagoo dhaliyay 99 gool, waxaana uu kula guuleystay 5 LaLiga, 3 Champions League iyo 3 Copa del Rey, marka laga yimaado koobab kale oo badan.
Mid ka mid ah waxyaabihii taariikhda geliyay ayaa ahaa xilli ciyaareedkii 2009, markaas oo Pedrito noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee hal xilli ciyaareed ka dhaliya dhammaan lixda tartan ee rasmiga ah ee Barcelona: LaLiga, Copa del Rey, Champions League, Spanish Super Cup, UEFA Super Cup iyo Club World Cup.
Kadib markii uu Barcelona ka tagay 2015, Pedrito wuxuu u dhaqaaqay Chelsea, halkaas oo uu kula guuleystay Premier League, FA Cup iyo Europa League. Intaas kadib wuxuu soo maray Roma iyo Lazio, isagoo shantii sano ee ugu dambeysay xirfaddiisa ku qaatay kooxda reer Rome.
Xulka Spain-na wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii qaaday Koobka Adduunka 2010 iyo Euro 2012, isagoo qarankiisa u saftay 65 kulan kuna dhaliyay 17 gool. Markii uu maanta sagootiyay kubadda cagta, Barcelona waxay u dirtay fariin ay ku sheegtay inuu weligiis qayb ka ahaan doono taariikhda kooxda, iyadoo uga mahadcelisay wax kasta oo uu u qabtay Barça iyo kubadda cagta. Pedrito wuxuu ku yimid Camp Nou isagoo wiil yar ah, wuxuuna ka baxay isagoo halyeey ah.