Real Madrid oo racfaan ka qaadanaysa casaankii Vinícius Júnior!
Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay racfaan ka qaadato kaarka cas ee tooska ah ee Vinícius Júnior laga siiyey kulankii ay la ciyaartay Villarreal, iyadoo kooxda reer Spain ay dooneyso in laga laalo go’aanka garsooraha.
Vinícius ayaa garoonka laga saaray kadib dhacdo muran dhalisay oo uu kula kacay ciyaaryahan ka tirsan Villarreal. Go’aankaasi ayaa walaac ka abuuray Real Madrid, maadaama ganaax ka badan hal kulan uu saameyn ku yeelan karo kulamada muhiimka ah ee kooxda.
Maamulka Real Madrid ayaa doonaya inay guddiga anshaxa u gudbiyaan racfaan ay ku dalbanayaan in dib loo eego go’aanka casaanka. Kooxdu waxay rajaynaysaa in tallaabadaasi ay wax ka beddesho ganaaxa lagu soo rogi karo xiddigeeda reer Brazil.
Walaaca ugu weyn ayaa ah kulanka El Clásico ee ay Real Madrid la ciyaari doonto Barcelona, maadaama maqnaanshaha Vinícius uu saameyn ku yeelan karo qorshaha weerarka kooxda. Si kastaba ha ahaatee, ilaa go’aan rasmi ah laga gaarayo racfaanka, lama xaqiijin karo inuu ciyaaryahanku seegi doono kulankaas.
Real Madrid ayaa hadda sugaysa go’aanka guddiga anshaxa, kaas oo caddeyn doona in ganaaxa Vinícius la dhimayo iyo in kale.