Lisandro Martínez oo dhaliil kulul u jeediyay maamulka Manchester United kadib guuldarradii Atlético Madrid.

0
FB_IMG_1791968322957

Daafaca reer Argentina ayaa su’aal geliyay tayada ciyaartoyda kooxdiisa, isaga oo dhaliilay maamulka kooxda iyo siyaasadda suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa guuldarro 2–0 ah kala kulantay Atlético Madrid kulan ka tirsanaa tartanka UEFA Champions League. Guuldarradaas kadib, daafaca Manchester United ee Lisandro Martínez ayaa la sheegay inuu warbaahinta la wadaagay hadallo dhaliil ah oo la xiriira maamulka kooxda, kuwaas oo dhalin kara falcelin xooggan oo ka timaadda taageerayaasha iyo halyeeyadii hore ee naadiga.

Martínez ayaa dhaliil u jeediyay guddiga farsamada iyo maamulka kooxda, isaga oo sheegay in isbeddellada lagu sameeyo tababbarayaasha aysan ku filnayn xal u helidda dhibaatooyinka Manchester United.“Wax badan ayaan ka sugeynay guddiga farsamada. Mar walba waxaad beddeshaan tababbarayaasha, halka boosaska kale ee muhiimka ah aan wax laga beddelin,” ayuu yiri Martínez.

Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay siyaasadda suuqa kala iibsiga ee kooxda, isaga oo xusay in Manchester United ay u baahnayd saxiixyo tayo leh oo wax ka beddeli kara xaaladdeeda, balse aan la sameyn maalgelintii laga filayay maamulka.“Waxaan rajaynaynay in maamulku sameeyo saxiixyo wax ka beddeli kara kooxda, balse ma aanan helin maalgelintii aan filaynay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Qodobka ugu hadal-haynta badan ayaa ahaa hadalka la xiriira tayada ciyaartoyda Manchester United iyo awoodda ay ugu tartami karto heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta Yurub.“Shaxdeennu ma laha tayo ku filan oo ay kula tartanto kooxaha kale tartan heerkiisu yahay Champions League,” ayuu yiri, sida lagu sheegay hadallada loo nisbeeyay daafaca.

Hadallada Martínez ayaa dab ku sii shiday xiisadda ka dhex aloosan Manchester United. Su’aashu waxay tahay: maamulka kooxda ma qaadi doonaa tallaabo, mise dhibaatadu weli way sii socon doontaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *