Haaland oo laba rikoor oo taariikhi ah ka dhigay Champions League iyo Manchester City!

0
FB_IMG_1792055255186

Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa taariikh cusub ka sameeyey tartanka UEFA Champions League, isaga oo jebiyey laba rikoor oo waaweyn, kana gudbay halyeeygii kooxda, Sergio Agüero.

Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa ee dhaliya 60 gool tartanka Champions League, isaga oo ku gaaray tiradaas 60 kulan oo keliya. Taasi waxay ka dhigan tahay inuu 20 kulan ka yar ku gaaray rikoodhkan marka loo eego Lionel Messi, kaas oo 60-ka gool ku dhaliyey 80 kulan.

Dhanka kale, xiddiga reer Norway ayaa sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Manchester City ee tartanka Champions League, isaga oo meesha ka saaray Sergio Agüero, oo muddo dheer haystay rikoodhkaas.

Labadii gool ee uu Haaland dhaliyey kulankii xalay ayaa sare u qaaday tiradiisa goolasha Champions League ee uu u dhaliyey Manchester City, taas oo gaartay 38 gool, halka Agüero uu kaliya leeyahay 36 gool.

Inkasta oo Manchester City ay PSG ku garaacday 4–2, haddana indhaha caalamku waxay ku jeedaan Haaland, oo sii xoojinaya sumcaddiisa gooldhaliyeyaasha ugu halista badan kubadda cagta Yurub, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa isku sii qoraya taariikhda Champions League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *