Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa habeen madow ku qaadatay garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay guuldarro xanuun badan oo 4-1 ah kala kulantay Leeds United, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.
Natiijadan ayaa sii xoojisay cadaadiska saaran kooxda reer London, iyadoo guuldarradii labaad oo xiriir ah ay dhalisay su’aalo waaweyn oo ku saabsan xaaladda kooxda iyo mustaqbalka tababare Xabi Alonso.
kulanka oo ku billawday dar dar xooggan oo labada dhinac ayaa chelsea waxa ay ahayd kooxda ugu horreysay ee shabaqa soo taabata, waxaana hoggaanka u dhiibay E. Emegha oo gool dhaliyay daqiiqaddii 25-aad, taas oo u muuqatay bilow wanaagsan oo ay Blues ku doonaysay inay saddexda dhibcood ku hesho garoonkeeda.
Hase yeeshee, farxadda kooxda martida loo ahaa ma aysan sii waarin, waxaana saddex daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 28-aad, ciyaarta barbarreeyay Noah Okafor, kaas oo Leeds dib ugu soo celiyay tartanka.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Leeds United si buuxda ula wareegtay maamulka natiijada. Dominic Calvert-Lewin ayaa daqiiqaddii 53-aad rigooradii loo dhigay kooxdiisa u beddelay gool, isaga oo Leeds u horseeday hoggaan 2-1 ah.
Cadaadiska Leeds ayaa sii kordhay, waxaana daqiiqaddii 58-aad Noah Okafor uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, isaga oo natiijada ka dhigay 3-1, isla markaana Chelsea geliyay xaalad adag.
Inkasta oo Blues ay isku dayday inay ciyaarta dib ugu soo laabato, haddana dadaalladeeda waxba kama beddelin natiijada. B. Aaronson ayaa daqiiqaddii 91-aad dhaliyay goolka afaraad ee Leeds, isaga oo si rasmi ah u soo afjaray rajadii Chelsea.
Cadaadis sii kordhaya iyo mustaqbalka Xabi Alonso
Guuldarradan ayaa Chelsea u noqotay dharbaaxo kale oo culus, kaddib markii ay kulankeedii hore guuldarro kala kulantay Sunderland. Sidaas darteed, Blues ayaa wajahaysa laba guuldarro oo xiriir ah, kuwaas oo muujinaya hoos u dhac muuqda oo ku yimid natiijooyinkeeda.
Natiijooyinkan ayaa sidoo kale Chelsea ka tyuray kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta Premier League, boos aan la jaanqaadayn hamiga kooxda iyo filashada taageerayaasheeda.
Dhanka kale, mustaqbalka tababare Xabi Alonso ayaa galay xaalad walaac badan ku gedaaman yahay, iyadoo natiijooyinka aan qancin taageerayaasha iyo maamulka kooxda ay sii kordhinayaan cadaadiska saaran macallinka reer Spain.
Gabagabadii, Stamford Bridge ayaa markan markhaati ka noqday habeen ay Chelsea jeclaan lahayd inay sida ugu dhaqsaha badan u illowdo. Guuldarrada 4-1 ah ee Leeds United ma ahayn oo keliya saddex dhibcood oo luntay, balse waxay muujisay dhibaatooyin u baahan xal degdeg ah.
Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah: Xabi Alonso ma awoodi doonaa inuu Chelsea ka saaro xaaladdan adag, mise guuldarrooyinkan isdaba jooga ah ayaa horseedi doona go’aanno waaweyn oo ku saabsan mustaqbalkiisa? Jawaabta waxaa laga sugayaa kulamada soo socda, kuwaas oo noqon doona imtixaan muhiim u ah tababaraha iyo kooxdiisaba.