Kooxda Como ee ka ciyaarta horyaalka Serie A ayaa isha ku haysa weeraryahanka da’da yar ee Barcelona, Hamza Abdelkarim, iyadoo qorshaynaysa inay la soo wareegto suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Weeraryahankan u dhashay dalka Masar ayaa wajahaya tartan adag oo ku saabsan helitaanka fursado uu kaga mid noqdo kooxda koowaad ee Barcelona, taasoo ku riixaysa inuu raadiyo koox uu ka heli karo waqti ciyaareed ku filan si uu u horumariyo awooddiisa ciyaareed.
Hamza Abdelkarim ayaa illaa hadda ka tirsan kooxda da’yarta Barcelona, mana uusan helin daqiiqado ciyaareed oo ku filan oo uu isku muujiyo kooxda waaweyn ee uu hoggaamiyo tababare Hansi Flick.
Dhanka kale, tababaraha Como, Cesc Fàbregas, ayaa la rumeysan yahay inuu fursad siin karo da’yarkan si uu u muujiyo tayadiisa, iyadoo laacibka laftiisu uu doonayo inuu ka tago Barcelona si uu u helo waqti ciyaareed dheeraad ah.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaan doonayn inay lumiso mustaqbalka iyo milkiyadda ciyaaryahankan, waxaana suuragal ah inay doorato inay amaah ku fasaxdo halkii ay si rasmi ah u iibin lahayd.
Como ayaa u muuqata meel uu Hamza Abdelkarim ka heli karo fursad uu ku horumariyo xirfaddiisa, halka Barcelona ay dooneyso inay ilaaliso mustaqbalka da’yarkan oo ay weli rajo weyn ka qabto.