Halyeeyga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada inuu jebiyo rikoorro taariikhi ah, kadib markii uu saddexley cajiib ah ka dhaliyay kooxda Al-Kholood, isaga oo haatan 15 gool oo keliya u jira inuu gaaro yoolka weyn ee 1,000-ka gool ee waayihiisa kubadda cagta.
Cristiano Ronaldo ayaa saddex gool ka dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Al-Nassr la ciyaartay Al-Kholood, kaas oo ka tirsanaa wareegga 12-aad ee horyaalka Sacuudiga.
Xiddiga reer Portugal ayaa daqiiqaddii 12-aad shabaqa soo taabtay, balse goolkaas waxaa diiday soo fara gelisay oo diidday aaladda VAR. Fursad kale ayuu helay Ronaldo intii lagu jiray daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee qaybtii hore, hase yeeshee mar kale ayaa goolkiisa la diiday, iyadoo labada kooxood ay qaybtii hore ku kala nasteen barbaro 2-2 ah.
Markii dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad, Ronaldo ayaa si xooggan u galay raadinta goolasha, waxaana dadaalkiisu miro dhalay daqiiqaddii 66-aad, markaas oo uu gool u beddelay baas qurux badan oo uu ka helay saaxiibkiis João Félix.
Lix daqiiqo kadib, daqiiqaddii 72-aad, ayuu mar kale shabaqa soo taabtay Ronaldo, isaga oo markan sidoo kale ka faa’iidaystay caawin uu ka helay João Félix.
Saddexleydiisa ayuu Ronaldo dhammaystiray daqiiqaddii 81-aad, kaddib markii uu kubad ka helay Sadio Mané, taas oo uu si qurux badan shabaqa ugu hubsaday, ciyaartana ka dhigay 5-2 ay hoggaanka ku hayso Al-Nassr.
Saddexda gool ee uu kulankan dhaliyay ayaa tirada guud ee goolasha Ronaldo ee waayihiisa ciyaareed ka dhigaya 985 gool, taas oo ka dhigan inuu 15 gool oo keliya u jiro inuu gaaro 1,000 gool, islamarkaana noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda kubadda cagta heerkaas gaara.
Xiddigan 41-jirka ah ayaa weli ku taamaya inuu gaaro rikoor aan hore loo arag, isaga oo da’diisa ka dhigaya mid aan joojin karin awooddiisa gooldhalineed iyo hammigiisa aan dhammaanayn.
Saddexleyda uu Ronaldo ka dhaliyay Al-Kholood ayaa noqotay tii 67-aad ee waayihiisa ciyaareed, taas oo mar kale muujinaysa joogtayntiisa iyo awooddiisa gooldhalineed. Hadda indhaha kubadda cagta ayaa ku sii jeeda 15-ka gool ee u harsan, iyadoo dunidu sugayso maalinta uu Cristiano Ronaldo taariikhda ku qori doono bog cusub oo aan weli ciyaaryahan kale gaarin.