Xiddigii hore ee Real Madrid, Toni Kroos, ayaa ammaan aan caadi ahayn u jeediyay da’yarka Barcelona ee Lamine Yamal, kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyay kulankii ay kooxda reer Catalonia guusha 2-1 kaga gaartay Atlético Madrid.
Kroos, oo ka mid ahaa khadadka dhexe ee ugu tayada badnaa kubadda cagta, ayaa si gaar ah ula dhacay 25-kii daqiiqo ee ugu horreeyay ee Yamal ciyaarta, isaga oo sheegay in bandhigga wiilka reer Spain uu ahaa mid heer sare ah oo muujinayay awoodda uu hal ciyaaryahan u leeyahay inuu wax weyn ka beddelo natiijada kulan adag.
Waxa uu xusay in weerarradii halista ahaa ee Barcelona ay inta badan ka bilowdeen Yamal, balse waxa ugu yaabka badnaa ay ahayd sida uu isagu fursadaha u abuuranayay, isaga oo aan sugeyn in saaxiibbadiis ay kubbad meel wanaagsan ugu diyaariyaan.
Kroos ayaa sidoo kale tilmaamay in Yamal uu leeyahay awood uu isaga oo keliya kaga gudbi karo difaacyada kooxaha waaweyn, isla markaana uu abuuri karo fursado ay ciyaartoyda kale ka faa’iideystaan. Waxa uu xitaa dareemay in qaab ciyaareedkiisu uu muujinayay inuu saaxiibbadiis ku leeyahay kubbadda i siiya, anigaa ciyaarta wax ka beddelaya.
Amaanta Kroos waxay sii xoogeysatay markii la xusuusto inuu yahay halyeey hore oo Real Madrid ah, halka Yamal uu yahay mid ka mid ah wejiyada ugu waaweyn ee Barcelona, labada kooxoodna ay yihiin xafiiltamayaal taariikhi ah.
Dhanka kale, Kroos kaliya kuma ekaan ammaanta Yamal, wuxuuna sidoo kale ka hadlay dhinaca difaaca Barcelona. Waxa uu aaminsan yahay in kooxda Hansi Flick ay u baahan tahay daafacyo awood u leh inay xaaladaha hal-ka-halka ah xalliyaan, gaar ahaan marka kooxaha kasoo horjeeda ay jebiyaan cadaadiska sare ee Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee, hadallada Kroos waxay muujinayaan heerka uu gaaray Lamine Yamal, maadaama xitaa halyeeyadii kooxaha ay Barcelona xafiiltamaan ay qirayaan tayadiisa iyo awoodda uu u leeyahay inuu kaligiis ciyaar u beddelo.
Lamine Yamal wuxuu sii wadaa inuu kasbado ixtiraamka kubadda cagta adduunka, isaga oo aan weli gaarin xadka ugu sarreeya ee awooddiisa.