Xulka qaranka Ingiriiska ayaa guul weyn oo 3-2 ah ka gaaray Spain, kulan ka dhacay gudaha Spain, isaga oo soo afjaray rikoor muddo dheer soo socday oo aj in Spain aan laga badin.
Guushan ayaa sidoo kale Ingiriiska u horseedday rikoor cusub oo taariikhi ah.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis xooggan oo uu Ingiriisku ku qaaday Spain, iyadoo daqiiqadihii horeba laga dareemayay sida weyn ee uu xulka Saddexda Libaax ugu hamuun qabay guusha.
Spain ayaa isku dayday inay iska caabiso weerarrada Ingiriiska, balse dadaalkeeda ayaa miro-dhal noqon waayay.
Daqiiqaddii 44-aad, qalad uu galay Pau Cubarsí ayaa sababay in Ingiriiska loo dhigo rigoore, kaas oo uu Harry Kane gool u beddelay, isaga oo xulkiisa hoggaanka u dhiibay.
Qeybtii labaad ayuu Ingiriisku sii laba jibbaaray cadaadiska, waxaana daqiiqaddii 53-aad goolka labaad u dhaliyay Ezri Konsa, kaas oo madax ku dhammeystiray kubbad koorno ah oo uu soo qaaday Declan Rice.
Afar daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 57-aad, kubad qurux badan oo uu soo dhisay Jude Bellingham ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday Ben White, isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0, waxana loo maleeyay in Ingiriisku gacanta ku dhigay guusha.
Si kastaba ha ahaatee, Spain ma aysan quusan. Xaaladda ayaa is beddeshay kaddib markii Lamine Yamal uu fursad helay, balse Elliott Anderson uu qalad ku galay gudaha xerada ganaaxa. Garsooruhu wuxuu Spain u dhigay rigoore, Anderson-na wuxuu tusay kaarka cas.
Daqiiqaddii 65-aad ayuu Mikel Oyarzabal rigoorada gool u beddelay, isaga oo Spain dib ugu soo celiyay rajada, ciyaartana ka dhigay 3-1.
Toban daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 75-aad, caawin qurux badan oo uu sameeyay Lamine Yamal ayaa waxaa gool u beddelay Nico Williams, kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-2, isla markaana dib u soo nooleeyay rajadii Spain.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay Spain dadaal xooggan gelisay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd, balse difaaca Ingiriiska ayaa adkeystay, waxaana ugu dambeyn kulanku ku soo dhammaaday 3-2 oo uu Ingiriisku ku adkaaday.
Guushan taariikhiga ah ayaa soo afjartay 43 kulan oo xiriir ah oo aan Spain laga badin, sidoo kalena waxay soo afjartay 11 guulood oo xiriir ah oo uu xulku gaarayay.
Dhanka kale, Ingiriiska ayaa gaaray 10 guulood oo xiriir ah, waana markii ugu horreysay ee taariikhdiisa uu xulku sidaas sameeyo.
Gabagabadii, Ingiriiska ayaa habeen taariikhi ah ku qaatay gudaha Spain, isaga oo hal guul ku soo afjaray rikoorkii muddada dheer ee Spain, isla markaana dhistay rikoor cusub oo u gaar ah.
Spain dhankeeda waxay la kulantay guuldarro aanay muddo dheer dhadhamin, inkasta oo ay dagaal adag muujisay qeybtii dambe ee ciyaarta.