Xiddigii reer Spain ee Juan Mata ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta, isaga oo soo afjaray safar ciyaareed oo muddo 20 sano ah socday, kana soo muuqday qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub iyo dunida, isaga oo sidoo kale ku guuleystay koobab heer kooxeed iyo heer qaran.
Mata ayaa kasoo baxay akadeemiyadda Castilla ee Real Madrid, kahor inta uusan sannadkii 2007 ku biirin kooxda Valencia. Afar sano kaddib, wuxuu u wareegay Chelsea sannadkii 2011, isaga oo qayb ka noqday kooxdii taariikhda u sameysay kooxda London, kuna guuleysatay Champions League sannadkii 2012.
Intii uu joogay Chelsea, Mata wuxuu sidoo kale kula guuleystay FA Cup-ka iyo Europa League-ga, isaga oo noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu saameynta badnaa kooxda xilligaas.
Sannadkii 2014 ayuu ku biiray Manchester United, halkaas oo uu joogay illaa 2022. Muddadii uu ku sugnaa Old Trafford, wuxuu kula guuleystay afar koob oo ay ugu waaweynaayeen Europa League, FA Cup iyo League Cup.
Manchester United kaddib, Mata ayaa u dhaqaaqay dalka Turkiga, isaga oo ku biiray Galatasaray, halkaas oo uu kula guuleystay horyaalka Turkiga xilli ciyaareedkii 2022/23.
Intaas kaddib, wuxuu u wareegay kooxda Vissel Kobe ee dalka Japan, kahor inta uusan u dhaqaaqin Australia, halkaas oo uu waayihiisa ciyaareed ee ugu dambeeyay kusoo qaatay kooxaha Western Sydney Wanderers iyo Melbourne Victory.
Dhanka xulka qaranka Spain, Mata wuxuu qayb ka ahaa jiilkii dahabiga ahaa ee kubadda cagta dalkaas, isaga oo kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2010 iyo tartankii Euro 2012, kuwaas oo ahaa guulo waaweyn oo taariikhda kubadda cagta Spain galay.
Mata ayaa xirfaddiisa ciyaareed diiwaangeliyay 144 gool oo uu u dhaliyay kooxihiisa iyo xulkiisa, isaga oo sidoo kale sameeyay 166 caawin, intii u ku guda jiray safarkiisa cayaareed.
Koobabkii uu ku guuleystay:
Valencia: Copa del Rey (2008).
Chelsea: Champions League, Europa League iyo FA Cup.
Manchester United: Afar koob oo waaweyn.
Galatasaray: Horyaalka Turkiga.
Vissel Kobe: Horyaalka Japan.
Xulka Spain: Koobka Adduunka 2010 iyo Euro 2012.
Gabagabadii, Juan Mata wuxuu kubadda cagta uga tegayaa dhaxal ka weyn tirada goolasha iyo caawinnada uu sameeyay. Laga soo bilaabo Valencia ilaa Chelsea, Manchester United iyo xulka Spain, wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii nasiibka u yeeshay inay qayb ka noqdaan guulo taariikhi ah. Waa dhammaadka safar 20 sano ah oo ay ka buuxeen tayo, koobab iyo xusuuso aan si fudud loo ilaawi doonin.