Bilaabashadii rajada lahayd ee Manchester City ayaa isu beddeshay xaalad walaac leh, kaddib markii kooxda Enzo Maresca ay saddex kulan oo xiriir ah guuldarro kala kulantay horyaalka Premier League, taas oo shaki gelisay rajadii ku aadaneyd loollanka hanashada horyaalka PremierLeague-ga.
Manchester City oo si wanaagsan ku billaabatay xilli ciyaareedkan, ayaa guuleysatay toddobadii kulan ee ugu horreeyay horyaalka, hase yeeshee wixii intaas ka dambeeyay ayay wajahday hoos u dhac weyn, iyadoo laga adkaaday saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.
Hoos u dhaca kooxda ayaa billowday kulankii ay booqatay garoonka Villa Park, halkaas oo Aston Villa ay ku garaacday 2-1, kaddib ciyaar ay City ku dhibtootay inay hesho natiijadii ay dooneysay.
Guuldarradaas kaddib, Manchester City ayaa markale dhulka gashay kulankii xigay oo ay garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhoweysay Brighton, iyadoo markan lagu garaacay 1-0.
Xaaladda ayaa kasii dartay kulankii xalay, markii kooxda Nottingham ay 3-1 kaga adkaatay Manchester City, taas oo dhammaystirtay saddex guuldarro oo xiriir ah oo kooxda ku habsatay.
Natiijooyinkan ayaa City ka dhigay koox si weyn uga hartay loollanka hoggaanka horyaalka, iyadoo markii hore saddex dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamineysay tartanka, balse hadda lix dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Arsenal. Sidoo kale, kooxda ayaa halis ugu jirta inay kaalinta saddexaad u dhacdo haddii Brighton ay guul ka gaarto kulankeeda caawa.
Dhanka kale, tani waa markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2024 ee Manchester City ay saddex guuldarro oo xiriir ah kala kulanto horyaalka, iyadoo xilligaas laga adkaaday afar kulan oo isku xiga.
Ugu dambeyntii, Manchester City ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee xilli ciyaareedkeeda, waxaana su’aasha ugu weyn ay tahay inay awood u yeelan doonto inay si degdeg ah uga soo kabato hoos u dhacan, mise Arsenal ayaa fursaddan uga faa’iidaysan doonta inay sii dheereysato hoggaankeeda horyaalka?