Kooxda Manchester United ayaa ugu dambeyn soo afjartay sagaal kulan oo xiriir ah oo aysan wax guul ah gaarin, kaddib markii ay xalay guul weyn oo 3-2 ah ka gaartay kooxda AS Roma, kulan ka tirsanaa tartanka Champions League, kaasoo ka dhacay garoonka Old Trafford.
Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab aan wanaagsaneyn, waxaana durba dhibaato weyn ku abuuray kooxda reer Talyaani oo labada gool ku hormartay 17-kii daqiiqo ee ugu horreeyay ciyaarta. Matías Soulé ayaa daqiiqaddii 11-aad hoggaanka u dhiibay Roma, halka Donyell Malen uu daqiiqaddii 17-aad gool labaad ku daray, taasoo United gelisay xaalad adag.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Michael Carrick ayaa qeybtii labaad garoonka kusoo laabatay iyagoo wata go’aan iyo awood dheeraad ah. Kabtanka kooxda Bruno Fernandes ayaa daqiiqaddii 58-aad rigoore u beddelay gool, kaddib markii markii ugu horreysay uu goolhayaha Roma ka badbaadiyay balse dib loo dhigay, taasoo Manchester United siisay rajo ay ciyaarta kusoo laaban karto.
Xiddiga reer Brazil ee Matheus Cunha ayaa noqday geesiga habeenka, isagoo dhaliyay labo gool oo muhiim ah daqiiqadihii 83-aad iyo 86-aad, kuwaasoo Manchester United u suurageliyay inay natiijada ciyaarta 3-2 u rogaan. Inkastoo Cunha uu dhammaadkii ciyaarta qaatay kaarka cas, haddana United ayaa awood u yeelatay inay difaacato hoggaankeeda ilaa seeriga dhammaadka.
Guushan ayaa muhiimad weyn u leh Michael Carrick oo cadaadis xooggan saarnaa kaddib natiijooyinkii niyad-jabka lahaa ee kooxdiisa, waxaana guushaan ay Manchester United u noqoneysaa bilow cusub oo ay rajeyneyso inay dib ugu soo laabato wadada guulaha. Red Devils ayaa sidoo kale muujisay awoodda ay u leedahay inay ciyaar adag dib uga soo laabato, iyadoo taageerayaasheeda Old Trafford ay heleen habeen ay muddo sugayeen.