Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa si rasmi ah shaqada uga ceyrisay tababaraheeda Michael Carrick, kaddib markii ay kooxdu la kulantay natiijooyin liita oo isdaba joog ah, kuwaas oo sababay in ay gasho xaalad adag bilowga xilli ciyaareedkan.
Carrick ayaa xilka tababaranimo ee Manchester United la wareegay bishii Janaayo 2026, kaddib markii shaqada laga ceyriyay Ruben Amorim. Carrick Markii hore waxaa loo magacaabay tababare ku-meel-gaar ah, balse natiijooyinkii wanaagsan ee uu kooxda la gaaray ayaa ku qanciyay maamulka United in ay si rasmi ah xilka ugu dhiibaan bishii May 2026, iyaga oo u saxiixay heshiis labo sano ah oo dhacaya May 2028.
Si kastaba ha ahaatee, bilowga xilli ciyaareedkan ayay wax walba isbedddeleen, iyadoo Manchester United ay ku bilaabatay qaab ciyaareed aad u liita. Kooxdu waxay 10-kii kulan ee ugu horreeyay horyaalka Premier League-ga ka heshay hal guul oo keliya, taas oo keentay in ay fariisato kaalinta 18-aad ee kala sarreynta horyaalka.
Go’aanka shaqo ka ceyrinta Carrick ayaa yimid xilli maamulka kooxda uu doonayo in uu wax ka beddelo xaaladda kooxda, waxaana durba billowday raadinta tababare cusub oo hoggaanka u qabta Red Devils.
Macallinka xulka qaranka Mareykanka, Mauricio Pochettino, ayaa ah magaca ugu cadcad ee lala xiriirinayo xilka, iyadoo sidoo kale la hadal hayo Julian Nagelsmann iyo Eddie Howe oo ka mid ah tababarayaasha ay Manchester United isha ku hayso.
Wararka qaar ayaa intaas ku daraya in United ay heshiis la gaartay Pochettino, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Ceyrinta Carrick ayaa muujinaysa sida ay xaaladda Manchester United u sii adkaatay, iyadoo kooxdu mar kale wajahaysa isbeddel dhanka hoggaanka ah. Su’aasha ugu weyn ayaa hadda ah: ma noqon doonaa Pochettino ninka dib u soo nooleeya rajada taageerayaasha Red Devils?