Tababaraha xulka qaranka Faransiiska, Zinédine Zidane, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in khilaaf iyo ismaan-dhaaf uu kala dhexeeyo kabtanka xulka qaranka Faransiiska Kylian Mbappé, isaga oo xaqiijiyay in xiriirkoodu wanaagsan yahay, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex taagan.
Mbappé ayaa haatan ka maqan xulka qaranka Faransiiska. Inkasta oo markii hore maqnaanshihiisa lala xiriiriyay dhaawac, haddana warar dambe oo warbaahinta u soo dusay ayaa sheegayay in ay jiraan khilaaf iyo isfaham-waa u dhexeeya weeraryahanka iyo tababaraha xulka.
Zidane oo markii ugu horreysay ka hadlay wararkaas ayaa si adag u diiday jiritaankooda, isaga oo yiri:”Ma fahmin sababta ay wararkaas u soo baxayaan. Ma jiraan wax culus ama wax ismaan-dhaaf ah oo naga dhexeeya.”
Zizou ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xiriirka kala dhexeeya Mbappé uu yahay mid caadi ah oo ku dhisan xiriirka ciyaaryahan iyo tababare, isaga oo yiri:”Waxa naga dhexeeya waa xiriir caadi ah oo u dhexeeya ciyaaryahan iyo tababare, wax walbana si wanaagsan ayay u socdaan. Kama hor istaagi karo dadka in ay sheegaan waxa ay rabaan, balse arrintani waa hadal aan sal iyo raad lahayn. Runtii waa nasiib darro weyn, waana wax laga xumaado.”
Hadallada Zidane ayaa meesha ka saaraya wararka ku saabsan khilaafka la sheegay in uu kala dhexeeyo isaga iyo Mbappé, inkasta oo maqnaanshaha xiddigan ee xulka qaranku uu weli yahay arrin dhalinaysa hadal-hayn badan oo ka dhex taagan warbaahinta iyo taageerayaasha Faransiiska.