“Barcelona waxay xaqiijisay lambarrada funaanadaha ciyaartoyda xilli ciyaareedka 2026–27.”
Barcelona ayaa xaqiijisay lambarrada funaanadaha ciyaartoyda xilli ciyaareedka 2026–27
Barcelona ayaa xaqiijisay lambarrada ay ciyaartoyda kooxda koowaad xiran doonaan xilli ciyaareedka 2026–27, kadib markii uu dhammaaday suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Catalonia waxay soo kordhisay ciyaartoy badan oo cusub. Gabriel Jesus ayaa loo dhiibay lambarka 9, Anthony Gordon wuxuu qaadanayaa 17, Karim Adeyemi wuxuu xiranayaa 14, halka Rodri uu noqonayo ciyaaryahanka Barcelona ee lambarka 16.
Fermín López wuxuu u wareegay lambarka 7, João Cancelo ayaa dib ugu soo laabtay lambarka 2, halka goolhayaha cusub ee Dominik Livaković uu qaadan doono lambarka 25.
Dhanka kale, Xavi Espart ayaa loo dalacsiiyay kooxda koowaad, waxaana loo dhiibay lambarka 12. Brian Farinas sidoo kale si rasmi ah ayuu uga mid noqday kooxda koowaad, wuxuuna qaatay lambarka 4, kaasoo horey u xirnaa Ronald Araújo.
Ciyaaryahanka cusub ee Jesse Bisiwu wuxuu xiran doonaa lambarka 27, halka Hamza Abdelkarim uu qaadan doono lambarka 29. Labadan ciyaaryahan waxaa la filayaa inay tababarka iyo ciyaaraha la qaataan kooxda koowaad, laakiin sidoo kale waqti ayay la qaadan doonaan Barcelona Atlètic, oo uu tababare ka yahay Juliano Belletti.
Barcelona waxay si fiican ku bilaabatay ololaha La Liga, iyadoo ilaa hadda si heer sare ah u ciyaareysa. Waxay ciyaarta xigta ciyaari doontaa Axadda, markaas oo ay u safri doonto Valencia.