Eden Dzeko oo macsalaameeyay kubadda cagta heer qaran

0
250px-20150331_2219_AUT_BIH_2704

Weeraryahanka xulka qaranka Bosnia ayaa ku dhawaaqay in uu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib waqti dheer oo metelaayay safka xulka Bosnia halkaas oo ka noqday halyey qaran isaga oo halkaas ku noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya xulka Bosnia.

Eden Dzeko wuxuu waayihiisa kubadda cagta kasoo if baxay horyaalka Bundesliga ee dalka Germany isaga oo markiiba soo jiitay indhaha kooxo waaweyn halkaas oo loollan dheer kadib ka mid noqday safka kooxda Manchester City iyo macallin Roberto Mancini.

Dzeko waxa uu city la qaaday laba horyaal oo mid ka mid ah uu ahaa kii cajiibka ahaa ee 2012 ay ka qaadday man. United, isaga oo ahaa dhaliyaha goolka labaad ee barbaraha ku heshay kooxdiisu waqtiga dhimashada, kadibna Sergio Aguero dhammaadkii ciyaarta uu kooxda u hadyeeyay Horyaalka Ingiriiska oo aysan hanan muddo ku dhaw 50 sano. Kadib noloshii City Eden waxa uu iso maray kooxo dhawr ah oo ay ka mid ahaayen Roma, Inter Milan, Fenerbahhe, Fiorentina iyo schalke 04 oo uu hadda ku sugan yahay isaga oo 40 jir.

Eden Dzeko waxa uu xulka qaranka ee Bosnia ka dhigay mid u tartama tartamo heer caalami ah isaga oo laba jeer lugtiisa ugu soo saaray Koobka adduunka (2014&2026).Eden waxa uu dalkiisa Bosnia u saftay 151 kulan isaga oo xaqiijiyay 73 gool noqdayna gool-dhaliyaha ugu sarreeya waddanka Bosnia and Herzegovina.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *