Kooxda difaacaneysa horyalka yurub oo an si wanaagsaneyn ku bilawatay xilli ciyareedkan
Kooxda kubadda cagta ee PSG, oo labadii sano ee ugu dambeysay hanatay horyaalka horyaallada Yurub ee Uefa Champions League, ayaa qaab ciyaar liita ku billaabatay xagaagan, iyada oo guul la’aan ah afartii kulan ee ugu horreysay ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkan ugubka ah.
Kooxda carbeed ee fadhigeedu caasimadda Faransiiska ee Paris, oo uu hoggaamiyo tababbaraha reer Spain ee Luis Enrique, ayaa sannadihii la soo dhaafay ahayd awood muuqata, taas soo bandhigeysay bandhig sare oo aan la loodin, Hase yeeshee xilli ciyaareedkaan u muuqata mid hoos uga dhacday heerki laga filaayay, kaas oo ahaa in ay jebiso rikoorka u yaalla kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid, taas oo seddax jeer oo xariir ah ku guuleystay horyaalka horyaallada Yurub ee Uefa Champions League.
Paris ayaa xiili ciyaareedkan billawga laga qaaday koobka French Super, kaasoo guul darro xanuun badani ka soo gaartay kooxda Lens, taas oo kaga badisay natiijo 1-0 ah. Waxaa xusid mudan tahay in kooxda Lens inta badan ay ku dheeleysay 10 ciyaariyahan.
Sidoo kale, PSG waxa ay guul la’aan tahay seddaxdii kulan ee ugu horreeyay ee horyaalka Ligue 1, oo ay awood ku heystay 15 sano ee la soo dhaafay, iyada oo qaadday 12 ka mid ah 15 xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.
Gebagabadii, Enrique ma noqon doonaa mid furfura xujooyinka adag ee horyaalla, oo Paris maku soo celin doonaa maqaamkeedii? mise jebin doonta rikoorka u yaala kooxda Real Madrid? Mise kooxda reer Carbeedi waxa ay qaadan doonaan xilli ciyaareed qaraw ah?