Suuqa kala iibsiga ee xagaaga 2026 waxa uu noqday kii ugu qalisanaa tariikhda ee lagu qarash gareeyay lacagtii ugu badneyd abid oo gaareysa adduun lacageed dhan 7 billion oo Euro

0
FB_IMG_1788799482122

Shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub ayaa sannadkaan suuqa kala iibsiga ku qarash gareeyay lacagihii ugu badnaa abid ee lagu bixiyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyra ayadoo ay bixiyeen adduun lacageed gaaraya 7 billion oo Euro. Iyadoo kooxo badan ay iibsadeen ama iska iibiyeen ciyaariyahanno qiimahooda dhaafaayo £100m+.

Kooxaha horyaal ugu xiisaha badan horyaallada Yurub ee English Premier League ayaa sannadkaan suuqa kala iibsiga ku qarash gareeyay lacagihii ugu badnaa ayagoo suuqa ku qarash gareeyay caddarr lacageed oo gaaraya £4.12bn .Sidoo kale horyaalka seria A ee dalka Italy ayaa oh horyaalka labaad ee kooxihiisu lacagaha ugu badan ku qarash gareeyeen suuqa ayagoo bixiyay £1.16bn. Halka kooxaha horyaalka Laligaha dalka Spain ay suuqa geliyeen £755.2m. Kooxaha ka dhisan Horyalka Bundesliga ayaa iyaguna bixiyay £783.8m. Halka kooxaha horyalka Faransiiska ligue1 ay bixiyeen £605.1m.Xilli ciyareedka 2026/2027 ayaa noqday xilli ciyareedka lacagaha ugu badan lagu bixiyay suyqa kala iibsiga ayado kooxaha qaar ay laso wareegeen ciyaryahano qimahoda sare ku fadhiya so ay u xoojiyaan safkooda.

Enzo fernandez ayaa ahaa xiddigii ugu qaalisanaa ee suuqaan xirmay maalmaha Hortood iyada oo kooxda Manchester City ay ciyaaryahankaan kula so wareegtay adduun lacageed duan £125m asigoo kaga soo biiray kooxda chalsea . Sidoo kale Morgan Rogers, Elliott Anderson, Yan Diamande, Bradley Barcola ayaa ahaa xiddigo lagu soo iibsaday qiime ka badan 100£. afar ka mid ah ciyaartoydaan ay u dhaqaaqay horyaalka Premier League-ga dalka England.Ugu dambeyn koox kasta waxa ay isku xoojisay qiime sare iyada oo safkeeda ku soo dartay ciyaariyahanno hibo badan taas oo la is leeyahay xilli ciyaareedkani waxa uu noqon doona mid ay taageerayaasho ku raaxeystaan kooxahooda oo koobab qaadaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *