miyaad ogtahay in uu seeddigaa u dheelo koox weyn oo Yurub ah?
Weeraryahanka reer Belgium ee Mika Godts, oo xagaagii 2026 u wareegay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain (PSG), ayaa noloshiisa gaarka ah la wadaaga gabadh Soomaaliyeed oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Muqdisho.
Mika Godts ayaa Ajax kaga soo biiray Paris Saint-Germain, isagoo kamid noqday xiddigaha da’da yar ee haatan fursadda u helay inay u ciyaaraan mid kamid ah kooxaha ugu magaca weyn kubadda cagta Yurub. Xiddiga reer Belgium ayaa hadda ku nool magaalada Paris, halkaas oo uu ka sii wato waayihiisa kubadda cagta isaga iyo xaaskiisa Soomaaliyeed.
Mika ayaa bishii Juun 2025 guursaday Haifa Salim Ali, oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku dhalatay Muqdisho sannadkii 2002. Meherka lamaanahan ayaa ka dhacay magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands, waxaana loo qabtay qaab waafaqsan dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.
Haifa ayaa qaab qaxooti ah ku gashay dalka Belgium, halkaas oo ay ku kortay kuna qaadatay qayb weyn oo nolosheeda ah. Waxay sidoo kale kamid tahay gabdhaha ka shaqeeya modeling-ka, iyadoo ka qayb gashay tartamo qurux iyo bandhigyo dhanka fashion-ka ah oo ka dhacay Belgium.
Sheekada Mika iyo Haifa waxay ka bilaabatay saaxiibtinimo soo taxnayd tan iyo yaraantoodii. Labadoodu waxay muddo dheer ahaayeen saaxiibo, balse xiriirkooda ayaa markii dambe isu beddelay jacayl, taas oo ugu dambayn ku dhammaatay inay nolosha wadaagaan.
Mika Godts ayaa sidoo kale qaatay diinta Islaamka si uu ugu mehersado Haifa oo Muslimad ah. Lamaanahan ayaa maanta si wadajir ah ugu nool magaalada Paris, halkaas oo Mika uu ka sii wato xirfaddiisa isagoo xiran funaanadda kooxda weyn ee PSG.
Guurka Mika iyo Haifa ayaa noqday sheeko si gaar ah u soo jiidatay dareenka bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu yahay xiriir isku keenay xiddig kubadda cagta reer Yurub ah iyo gabadh Soomaaliyeed oo kasoo jeedda Muqdisho.
Seeddigeen Mika Godts, oo hadda kamid ah safka PSG, ayaa indhaha lagu hayaa inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ka sameeyo wax weyn, iyadoo taageerayaasha Soomaaliyeed ay si gaar ah ula socdaan tallaabo kasta oo uu qaado xiddigan xididka la ah soomaalida.