Yaa xiran doona numberka 10aad ee Argentina kadib faaruqitaankii uu Messi banneeyay numberkaas taariikhiga ah .

0
FB_IMG_1788859262384

Halyayga kubbada cagta ee reer Argentin Lionel Messi oo muddo badan maaliyadda Numberka 10aad ee xulka Argentina ku ciyarayay ayaa xaqiijiyay in uu isaga fariistay ciyaaraha heer qaran isaga oo banneeyay numberkii uu uxiranaa qaran muddadi uu ku jiray adeegga qaran ee Albiceleste.
Lionel Messi ayaa waqti ku siman 21 sanno metalaayay waddankiisa Argentina, isaga oo kula guulestay tartanno waa weyn uu kamid yahay Mundiyaalka dunida ee lagu marti geliyay dalka Qatar 2022, labo copa America iyo koobka Finalisama.

Maaliyadda numberka 10aad ee Argentina ayaa waxa soo xertay ciyaariyahanno kala duwan oo aad u xirfad badnaa sida Diego Maradona oo lagu tiriyo in uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa ee soo maray kubadda cagta. Sidoo kale Numberkaas waxa xulka Argentina u xirtay Mario Cempes, Juan Riquelme, Aerial Ortega iyo kuwa kale.
Xiddigo ay ka mid yihin Julian alvarez,Enzo fernandez,mac Allistar iyo lautaro martinez ayaa ku loollama xirashada Numberka 10aad ee uu faaruqay kabtankii qarankaas oo numberkaas ku dheelayay 15-kii sano ee laso dhaafay.

Xiddigahan ayaa midkood xiran doona numberkaas qiimaha ka leh reer Argentina xaggood iyada oo aynu arki doona ninka ay ku aaminan Argentinianku numberkaas kulama xiga ee xulalka oo la dheeli 21-ka bishaan September illaa 6-da oktoober ee sannadkaan.
Ra’yi ahaan ayaad is leedahay wuu ku soo bixi doonaa xirashada Numberka 10aad ee xulka Argentina oo beddel u noqon kara kabtankii hore ee Albiceleste?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *