Liiska 30-ka murashax ee u sharraxan hanashada Ballon D’Or ee sannadka 2026 oo la shaaciyay.

0
collage-maker-28-sep-2023-05-33-pm-4039

Shabakadda France Football ayaa shaacisay 30-ka ciyaariyahan ee u sharraxan hanashada kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or iyada oo ay sannadkaan ku loollamayaan ciyaarahanno heer caalami ah.Xafladda caleema saarka ciyaariyahanka ku guuleysanaya kubadda dahabka ah ee ballon d’Or ayaa loo qorsheeyay in dhacdo 26-ka bisha soo aaddan ee October iyada oo lagu qaban doono caasimadda carriga Ingiriiska ee London.

Xafladda Ballon d’Or ayaa sannadkaan lagu qaban doonaa meel ka baxsan dhul weynaha Faransiiska markii ugu horreysay taariikhda iyada oo loo gelbin doona Magaalada London halkaas oo lagu soo caleema saari doono guuleystaha dhabta ah ee sannadkaan la hoyan doona kubadda dahabka ahFrance Football ayaa soo saartay ciyaariyahanno waa weyn oo la is leeyahay waa ay ku guuleysan karaan abaal marinta sannadka iyada oo lagu qiimeyn doono waxqabadkii ay soo bandhigeen xilli ciyaareedkii hore xul iyo kooxba.Ciyaariyahannada la shaaciyay ee ku guuleysan kara abaal marinta Ballon d’Or sannadka waxa ka mid ah: mucjisada kubadda cagta xiddiga reer Argentina oo bandhig waalli ah ka sameeyay horyaalka MLS-ka dalka Mareykanka iyo xulkiisa Argentina oo uu ku hoggaamiyay finalkii koobka adduunka sannadkii labaad oo xariir ah walow laga qaaday sannadkaan.

Sidoo kale hibada reer Barcelona Lamine Yamal ayaa isaguna ka mid ah muraxashaxiinta abaal marintaan isaga oo ku guuleystay Koobka adduunka iyo horyaalka dalka Spain ee Laliga, isaga oo muujiyay waxqabad heer sare ah xul iyo kooxba. Sidoo kale waxa murashax ah guuleystaha sannadkii hore Ousman Dembele oo asna qaaday horyaalka Ligue 1 iyo horyaalka kooxaha Yurub ee Uefa Champions League. Murashaxiinta kale ee rajada weyn ka qaba ku guuleysiga abaal marintaan waxa ka mid ah Harry kane oo asna sameeyay waxqabad shaqsiyeed iyo mid kooxeed oo cajiibka isaga oo dhaliyay 70+goals sannadkii la soo dhaafay xul iyo kooxba. Sidoo kale waxa fursad buuran heysta Klyan Mpabbe asna dhaliyay goolal badan, inkasta oo uusan qaadin wax koob ah xilli ciyaareedkii idlaaday.Liiska ay soo saartay majaladda France Football ayaa ahaa sidaan hoose.

1. Jude Bellingham 🇬🇧2. Pau Cubarsí 🇪🇸3. Marc Cucurella 🇪🇸4. Ousmane Dembélé 🇫🇷5. Luis Díaz 🇨🇴6. Bruno Fernandes 🇵🇹7. Gabriel Magalhães 🇧🇷8. Erling Haaland 🇳🇴9. Achraf Hakimi 🇲🇦10. Harry Kane 🇬🇧11. Khvicha Kvaratskhelia 🇬🇪12. Lamine Yamal 🇪🇸13. Sadio Mané 🇸🇳14. Marquinhos 🇧🇷15. Lautaro Martínez 🇦🇷16. Kylian Mbappé 🇫🇷17. Nuno Mendes 🇵🇹18. Lionel Messi 🇦🇷19. João Neves 🇵🇹20. Michael Olise 🇫🇷21. Willian Pacho 🇪🇨22. Julián Quiñones 🇲🇽23. Declan Rice 🇬🇧24. Rodri 🇪🇸 25. Ferran Torres 🇪🇸 26. D.Upemacano 🇫🇷 27. J. Quinones 🇲🇽 28. Fabian Ruiz 🇪🇸 29. Sadio Mane 🇸🇳 30. W. Saliba 🇫🇷 31.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *