LIONEL MESSI: 20 SANO OO UU KU JIRO LIISKA BALLON D’OR!

0
FB_IMG_1788894311492

Maanta oo ay taariikhdu tahay 8-da Sebtembar 2026, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey 30-ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaalmarinta Ballon d’Or 2026, waxaana liiska mar kale kasoo muuqday halyeeyga reer Argentina, Lionel Messi.Messi ayaa kamid noqday 30-ka ciyaaryahan ee sanadkan u tartamaya abaalmarinta, kaddib markii uu bandhig wanaagsan ka sameeyey xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isaga oo u ciyaarayay kooxdiisa Inter Miami iyo xulka qaranka Argentina.

Taariikh ahaan, Messi ayaa hadda noqday ciyaaryahankii ugu muddada dheer kasoo muuqday liiska Ballon d’Or, isaga oo liiska kasoo muuqday laga soo bilaabo 2006 ilaa 2026. Inta u dhexeysa muddadaas, wuxuu 30-ka ciyaaryahan ee loo sharraxo abaalmarinta kamid noqday 17 jeer, waana rikoodh muujinaya joogteynta iyo heerka sare ee uu kusoo jiray kubbadda cagta muddo ku dhow labaatan sano.Messi sidoo kale waa ciyaaryahanka ugu badan ee ku guuleystay Ballon d’Or, isaga oo abaalmarinta ku qaaday 8 jeer. Hadda, iyadoo uu sanadkan mar kale kamid yahay musharraxiinta,

waxaa la isweydiinayaa: ma awoodi doonaa inuu taariikhda ka dhigo isagoo ku guuleysta Ballon d’Or-kiisii 9-aad? Waxaa xusid mudan in Messi, isagoo 39 jir ah, uu kasoo muuqday Koobkiisii Adduunka ee 6-aad, halkaas oo uu soo bandhigay ciyaar heer sare ah, isagoo dhaliyey 8 gool isla markaana sameeyey 4 caawin.Haddaba, su’aashu waxay tahay: Ma u malaynaysaa in Lionel Messi uu sanadkan ku guuleysan karo Ballon d’Or-kiisii 9-aad, mise ciyaartoy kale ayaa ka hor istaagi doona?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *