Lamine Yamal waa mucjiso!
Lamine Yamal ayaa mar kale taariikh sameeyay, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeyay ee isagoo 20 sano kayar saddex jeer kasoo muuqda liiska musharraxiinta 30ka ciyaryahan ee utartamaya abaalmarinta Ballon di’or. Xidiga kooxda Barcelona iyo xulka Spain ayaa markii seddaxdaad oo xiriir ah kasoo muuqday musharixiinta Ballon di’or 2026. Yamal ayaa markii ugu horeysay liiskan kasoo muuqday 2024, isagoo jiray 17 sano, wuxuuna ku dhamestay kaalinta 8-aad. Sanadkii 2025, isagoo 18 jir ah, wuxuu markale kamid noqday musharraxiinta, isagoo ku dhammeystay kaalinta 2-aad.
Hadda oo ah 2026, Yamal oo 19 jir ah ayaa markii seddaxdaad oo xiriir ah ku jira liiska musharraxiinta, taas oo kadhigeysa ciyaaryahan taariikhi ah marka loo eego da’diisa iyo joogteyntiisa heerka ugu sarreeya. Xilli ciyaareedkii 2025/26,Yamal wuxuu Barcelona kula guulestay laliga iyo supercup, iyo xulka Spain oo uu laqaaday Mundiyaalka dunida, isagoo sidoo kale lahaa saameyn weyn oo dhanka weerarka ah, dhamaan tartamada waxa uu kulug lahaa 41 gool,isagoo dhaliyay 24 gool isla markaana bixiyay 17 caawimo.
Kadib markii uu 2024, ku dhamestay kaalinta 8aad,2025-na kaalinta 2-aaad, Yamal wuxuu hadda donayaa inuu noqdo ku guuleystaha abaalmarinta Ballon di’or, isagoo walli 19 jir ah. Su’aasha wexey tahay: Lamine Yamal maku guleysan karaa abaalmarinta Ballon di’or 2026.?