Ballon d’Or: Maxaa Lagu Saleeyaa Abaal-marinta Ciyaaryahanka Adduunka Ugu Fiican?
Abaal-marinta Ballon d’Or ayaa ka mid ah abaal-marinnada ugu waaweyn uguna sharafta badan kubadda cagta adduunka, waxaana sannad kasta la siiyaa ciyaaryahanka loo arko inuu ahaa kan ugu wanaagsan xilli-ciyaareedka. Hase yeeshee, hanashada abaal-marintan kuma xirna oo keliya tirada goolasha ama bandhigga shaqsiga ah, balse waxaa lagu qiimeeyaa dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin waxqabadka ciyaaryahanka, guulaha kooxdiisa iyo hab-dhaqankiisa.
Maxaa dhab ahaan lagu saleeyaa hanashada Ballon d’Or?
Ciyaaryahanka ku guuleysanaya Ballon d’Or waxaa lagu qiimeeyaa codadka ay dhiibtaan saxafiyiin iyo wariyeyaal matalaya dalal kala duwan, iyadoo nidaamka abaal-marintu uu leeyahay shuruudo iyo hab-raac rasmi ah. Qiimeyntu waxay si gaar ah diiradda u saartaa saddex qodob oo waaweyn:
Waxqabadka shaqsiga ah.
Ciyaaryahanka ku guuleysanaya Ballon d’Or waa inuu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah inta lagu guda jiray xilli-ciyaareedka. Waxaa la eegaa waxqabadkiisa kulamada uu ciyaaray, tirada goolasha iyo caawinta uu sameeyay, joogteynta bandhiggiisa iyo heerka uu kaga dhex muuqday ciyaartoyda kooxdiisa.
Guulaha kooxda.
Guulaha ay kooxdu gaarto ayaa sidoo kale door muhiim ah ku leh qiimeynta. Waxaa la tixgeliyaa koobabka iyo tartamada ay kooxdu ku guuleysatay, iyadoo si gaar ah loo eegayo doorka uu ciyaaryahanku ku lahaa guulahaas.
Ciyaaryahan si weyn uga dhex muuqda kooxdiisa, isla markaana door muuqda ka qaata hanashada koobab waaweyn, wuxuu yeelan karaa fursad wanaagsan oo uu ugu tartamo abaal-marinta.
Anshaxa iyo hab-dhaqanka ciyaaryahanka.
Hab-dhaqanka ciyaaryahanka ayaa isna ka mid ah qodobbada lagu qiimeeyo musharraxiinta. Waxaa muhiim ah in ciyaaryahanku muujiyo anshax wanaagsan iyo ixtiraam uu u hayo ciyaartoyda kale, garsoorayaasha iyo guud ahaan ciyaarta.
Sidaas darteed, Ballon d’Or ma aha oo keliya abaal-marin lagu bixiyo tirada goolasha iyo koobabka, balse waxaa sidoo kale la eegaa shakhsiyadda iyo hab-dhaqanka ciyaaryahanka. Si kstaba ha ahaatee, go’aanka kama dambaysta ah waxaa iska leh cod-bixiyeyaasha, waxaana natiijada la ogaan doonaa marka si rasmi ah loo shaaciyo guuleystaha.
Abaal-marinta Ballon d’Or ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo xilliga loo asteeyay munaasabadda sannadkaan oo ah 26-ka bisha soo aaddan ee October, iyadoo tartanka sanadkan uu soo jiidanayo indhaha taageerayaasha kubadda cagta adduunka.
Ugu dambeyn, Ballon d’Or waa abaal-marin ka tarjumaysa isku-darka waxqabad shaqsiyeed, guulaha kooxda iyo hab-dhaqanka ciyaaryahanka. Sidaas awgeed, in ciyaaryahan uu dhaliyo goolal badan oo keliya kuma filna inuu gacanta ku dhigo abaal-marintan; waxaa sidoo kale muhiim ah inuu kooxdiisa ku hoggaamiyo guulo, isla markaana xilli-ciyaareedka oo dhan muujiyo heer ciyaareed oo joogto ah.
Adiga se, yaad u aragtaa inuu sanadkan la tegi doono Ballon d’Or? Lamine Yamal, Kylian Mbappé, Harry Kane, Lionel Messi mise xiddig kale oo aan magacyadan ku jirin?