La Masia: Warshadda soo saarta hibooyinka kubadda cagta.
La Masia, oo ah akadeemiyadda caanka ah ee kooxda Barcelona, ayaa muddo dheer caan ku ahayd soo saarista xiddigo tayo sare leh oo mustaqbalka ka noqda kuwa ugu waaweyn kubadda cagta adduunka.
Akadeemiyaddan ayaa hore u soo saartay xiddigo waaweyn oo taariikhda kubadda cagta raad weyn ku yeeshay, waxaana ka mid ah Andrés Iniesta, oo ahaa mid ka mid ah khad-dhexeedyadii ugu farsamada iyo baasaska fiicnaa ee Spain iyo Barcelona; Xavi Hernández, oo ahaa maskaxdii ciyaarta Barcelona iyo xulka Spain; iyo Sergio Busquets, oo ka mid ahaa burburiyeyaashii khadka dhexe ee ugu wanaagsanaa jiilkiisa.
Sidoo kale, La Masia waxaa ka soo baxay Lionel Messi, oo loo arko mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa abid, halka Lamine Yamal oo ah mid ka mid ah wejiyada cusub ee akadeemiyadda uu durba muujiyay hibo aan caadi ahayn iyo mustaqbal aad u ifaya, haddii uu ka fogaado dhaawacyada.
Ma fududa in hal mar la wada xuso dhammaan ciyaartoydii ka soo qalin-jabisay La Masia, balse waxaa ka mid ah Pedro Rodríguez, Gerard Piqué, Carles Puyol, Víctor Valdés, Mauro Icardi, Gavi, Pau Cubarsí, Thiago Motta iyo xiddigo kale oo muddo dheer ka dhex muuqday ama weli ka ciyaara kubadda cagta Yurub.
Xavi Espart, hibada cusub ee La Masia.
La Masia ayaa sanadkan soo bandhigtay mid ka mid ah hibooyinka cusub ee indhaha soo jiitay, kaas oo ah Xavi Espart, da’yar leh karti sare oo ciyaari kara boosas kala duwan.
Espart wuxuu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro garbaha daafaca iyo khadka dhexe, taas oo ka dhigaysa ciyaaryahan jookar h oo macallin Hansi Flick uu si fudud ugu adeegsan karaan xaalado kala duwan oo ciyaarta ah.
Xavi Espart ayaa xilli ciyaareedkan ku bilowday qaab wanaagsan, isagoo shan kulan oo uu u saftay kooxdiisa ka dhaliyay hal gool, halka uu sidoo kale sameeyay laba caawin. Bilowgan wanaagsan ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in da’yarkan uu mustaqbalka ka mid noqon karo xiddigaha waaweyn ee kasoo baxa La Masia.
Mustaqbalkee ayaa sugaya Espart?
Su’aasha ugu weyn ayaa ah: Xavi Espart ma noqon doonaa magac taariikhi ah oo lagu xuso jiilasha waaweyn ee La Masia, mise wuxuu ku dambayn doonaa inuu noqdo xiddig aan gaadhin heerkii laga filayay?
Taariikhda La Masia waxaa ku jira ciyaartoy badan oo hibadoodu aad u sarreysay, balse aan ugu dambayn gaarin heerkii laga filayay, sida Bojan Krkić. Sidaas darteed, Espart waxaa horyaalla waddo dheer oo u baahan dadaal, joogteyn, dulqaad iyo ka fogaanshaha dhaawacyada si uu gaaro heerka ugu sarreeya ee uu laacib gaari karo.
Gabagabadii, La Masia weli waxay caddeyneysaa inay tahay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu kobciyo hibooyinka kubadda cagta. Xavi Espartna wuxuu hadda haystaa fursad uu ku qori karo magaciisa taariikhda akadeemiyadda, balse waqtiga iyo waxqabadkiisa mustaqbalka ayaa go’aamin doona inuu noqdo xiddig kale oo weyn oo La Masia soo saartay ama uu ku biiro ciyaartoydii hibadoodu aanay miro dhalin.