Mpabbe oo Laliga ka sameeyay rikoor aysan hore u sameyn Messi iyo Ronaldo.
Kylian Mbappé ayaa xilli ciyaareedkan bilowga ah muujinaya awood sare oo dhinaca gooldhalinta ah, isaga oo La Liga ka sameynaya rikoorro aan horay loo dhigin.
Xiddiga Real Madrid ayaa hadda maraya 7 gool lix kulan oo uu ciyaaray horyaalka, taas oo muujinaysa sida uu weli ugu baahi qabo in isku diwaan geliyo bogaga taariikhda kubadda cagta.
Mbappé ayaa sidoo kale dhigay rikoor cusub kadib markii uu gool ka dhaliyay koox kasta oo uu ilaa hadda ku wajahay Laliga tan iyo markii uu yimid xilliciyaareedkii 2024/2025.
Rikoorkaan ayaa ah mid aysan horay u sameyn labada ciyaaryahan ee loogu tixgeliyo kuwa ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Ronaldo ayaa ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo mid ka mid ah kooxihii uu ka hor yimid intii uu La Liga ka ciyaarayay, halka Messi uu isaguna laba kooxood ku fashilmay inuu shabaqooda gaaro.
Bilowgan dardarta ah ayaa Mbappé ka dhigaya mid si weyn looga filanaayo in uu fuulo figta sare ee kubadda cagta xilli ay soo dhammaanayso waayihii ay Messi iyo Ronaldo si weyn u maamulayeen kubadda cagta adduunka.
Faransiiskaan ayaa hadda 26 jir ah, waxaana la filayaa inuu sannadaha soo socda mid meel fiican ka gala taariikhda kubadda cagta caalamka.
Mbappé ayaa ilaa hadda dhaliyay in ka badan 440 gool, isaga oo sidoo kale sameeyay ku dhawaad 160 caawin intii uu u ciyaarayay Monaco, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska, marka la isku daro kulamadiisa kooxaha iyo xulka.
Tirooyinkan ayaa muujinaya heerka wax-soo-saarka weeraryahanka Faransiiska, waxaana ay saldhig u noqon karaan dadaalkiisa uu ku doonayo inuu mustaqbalka dhow kaga mid noqdo ciyaartoyda sida weyn uga dhex muuqdaa jiilkiisa.
Gabagabadii, Mbappé wuxuu hadda ku jiraa marxalad cusub oo xirfaddiisa ah oo ah in hadda dhex maquuranayo waqtigiisa dahabiga ah( prime). Haddii uu sii wado heerka gooldhalinta iyo joogteynta uu muujinayo, wuxuu yeelan karaa fursad uu ku dhiso dhaxal u gaar ah, xilli jiilkii Messi iyo Ronaldo ay si tartiib ah uga sii baxayaan saaxadda kubadda cagta.