Barcelona oo Sevilla u safreysa iyadoo guulaha xiriirka ah doonaysa inay sii waddo
Barcelona ayaa caawa wajahaysa Sevilla kulan ka tirsan La Liga, iyadoo kooxda Hansi Flick ay raadineyso guusheedii toddobaad oo xiriir ah. Barça ayaa xilli ciyaareedkan si xooggan ku bilaabatay, iyadoo lix kulan oo horyaalka ah ka heshay 18 dhibcood, isla markaana dhalisay 28 gool. Intaa waxaa dheer, waxay Champions League-ka ku bilaabatay guul weyn oo 5–1 ah oo ay ka gaartay Feyenoord.
Si kastaba, Flick wuxuu wajahayaa arrimo la xiriira dhaawacyada iyo nasashada ciyaartoyda. Goolhaye Joan García ayaa kulanka ka maqnaanaya kadib markii uu dhibaato yar oo jilibka ah kasoo gaartay kulankii Racing Santander. Barcelona ayaa sheegtay in dhaawacu uusan ahayn mid halis ah, balse go’aanka laga gaaray in la nasiyo.
Wojciech Szczesny ayaa sidaas darteed fursad weyn u helaya inuu ilaaliyo goolka, halka Dominik Livaković uu weli yahay doorasho kale.Dhanka kale, Pau Cubarsí ayaa dib ugu soo laabanaya safka, kadib markii uu nasasho qaatay kulankii Racing. Flick ayaa sidoo kale sheegay inuu sii wadi doono in ciyaartoyda qaar loo sameeyo rotation si loo maareeyo culayska kulamada badan.
Raphinha-na wuxuu si gaar ah u helay ammaanta tababaraha, kaas oo ku tilmaamay inuu muhiim u yahay cadaadiska Barcelona, isla markaana uu tusaale u yahay ciyaartoyda kale isagoo ah kabtanka kooxda.Flick wuxuu sidoo kale ka hadlay farqiga u dhexeeya Barcelona maanta iyo kooxdii xilli ciyaareedkii hore Sevilla kaga badisay 4–1.
Tababaraha Jarmalka ayaa sheegay in kooxdiisu hadda “heer kale” joogto, balse uu xusay in kulanka uu weli adag yahay, maadaama Sevilla garoonkeeda si wanaagsan u ciyaareyso isla markaana ay jeceshahay cadaadiska iyo difaaca nin-ka-nin. Flick wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Barcelona si degdeg ah kubadda u dhaqaajiso oo ay si fiican u maamusho ciyaarta.
Sevilla-na ma ahan koox si fudud loo wajihi karo. Waxay lixdii kulan ee hore heshay 13 dhibcood, waxaana tababare Luis García Plaza uu qiray in Barcelona ay xilligan ku jirto qaab ciyaareed aad u sarreeya. Sidaas darteed, caawa waxaa la filayaa kulan tijaabo dhab ah u noqonaya Barcelona, gaar ahaan iyadoo kooxda ay dooneyso inay sii ilaaliso bilowgeeda cajiibka ah.