Atletico Madrid ayaa garaacday Real kulankii derby-ga ahaa.

0
FB_IMG_1789925948955

Derby Madrid ayaa ku soo dhammaaday guul ay Atlético Madrid ka gaartay Real Madrid, kadib markii ay 2–1 kaga adkaatay kooxda ay magaalada wadaagaan kulan xamaasad iyo xaalado muran badan dhaliyay lahaa.

Guushan ayaa Atlético siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, iyadoo hadda leh 16 dhibcood kuna jirta kaalinta 2aad ee horyaalkaLaliga, halka Real Madrid ay leedahay 15 dhibcood iyada oo u dhaadhacday kaalinta seddaxaad halka Barcelona ay hoggaanka ku hays 21 dhibcood.

Kulanka oo lagu ciyaaray garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano, ayaa labada kooxoodba garoonka soo galeen iyagoo doonaya inay helaan saddexda dhibcood.

Bilowgii ciyaarta waxaa muuqday xamaasad badan iyo weerarro is-daba joog ah, iyadoo Real Madrid iyo Atlético Madrid ay abuureen fursado dhowr ah.Si kastaba ha ahaatee, labada kooxood ayaa qaybtii hore ku kala nastay 0–0, iyadoo difaacyadu ay awood u yeesheen inay xakameeyaan weerarradii labada dhinac.

Bilowgii qaybta labaad ayay ciyaartu yeelatay weji cusub. Qalbi difaaca Real Madrid, Dean Huijsen, ayaa loo taagay kaarka cas kadib markii uu qalad ku galay Giuliano Simeone, taas oo Atlético Madrid siisay rigoore, iyadoo Real Madrid ay sidoo kale ciyaarta ku qasabtay in ku soo wadato 10 ciyaaryahan.

Alejandro Grimaldo ayaa mas’uuliyadda rigoorada qaatay, wuxuuna u beddelay gool, isagoo Atlético Madrid u horseeday hoggaan 1–0 ah.

Real Madrid ayaan helin waqti badan oo ay kaga jawaabto goolkaas, iyadoo afar daqiiqo kaddib Atlético Madrid ay dhalisay goolkeedii labaad.

Jonathan David ayaa shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay karoos uu soo qaaday Giuliano Simeone, kaas oo si weyn uga dhalaalay ciyaartii derby-ga aheyd.

Inkasta oo ay Real Madrid ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan, haddana kooxda martida ahayd kama aysan quusan ciyaarta. Dadaalkeeda ayaa miro badnaa ayaa daqiiqaddii 89-aad rajo ifiyay, iyada oo markaas Antonio Rüdiger uu Real Madrid u dhaliyay gool soo celiyay rajadeeda, kadib caawin uu ka helay Bernardo Silva.

Real Madrid ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay isku dayday inay hesho goolka barbaraha, balse Atlético Madrid ayaa difaac adag sameysay, ugu dambayntiina ciyaartu waxay ku soo dhammaatay 2–1.

Gabagababadii, Guusha Atlético Madrid ayaa ka dhigtay in labada kooxood ay hadda isku dhow yihiin marka loo eego dhibcaha, iyadoo Atlético ay leedahay 16 dhibcood, halka Real Madrid ay haysato 15. Barcelona oo 21 dhibcood leh ayaa weli hoggaanka haysa.

Derby-ga Madrid ayaa mar kale muujiyay xamaasadda iyo tartanka adag ee caasimadda Spain, iyadoo Atlético Madrid ay saddexda dhibcood ka qaadatay deriskeeda Real Madrid, halka Los Blancos ay wajahday caqabadda ah inay qayb weyn oo ciyaarta ah ku ciyaarto 10 ciyaaryahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *