🚨 Lamine Yamal oo fariin cad diray: “Nations League weli waan rabnaa!”

0
FB_IMG_1790423052187

Xiddiga da’da yar ee Spain iyo Barcelona, Lamine Yamal, ayaa muujiyay rabitaan xooggan oo ku aaddan in xulka Spain uu ku guuleysto UEFA Nations League.Yamal ayaa tilmaamay in koobkan uu yahay mid uu si gaar ah u doonayo, maadaama uusan weli gacanta ku dhigin Nations League.

Spain waxay horey ugu dhawaatay koobka xilli ciyaareedkii 2024/25, iyadoo gaartay finalka, balse Portugal ayaa rigoorayaal kaga qaaday.

🇪🇸 “Weli ma aanan ku guuleysan”

Yamal wuxuu muujiyay in doonistiisa koobka aysan ahayn wax isaga u gaar ah oo keliya, balse ay tahay hamiga ciyaartoyda xulka Spain oo dhan.

“Weligey kuma guuleysan Nations League, waana jeclaan lahaa inaan ku guuleysto. Waa tartanka keliya ee aan weli ku guuldarreystay inaan qaado anigoo xulka jooga.”

Hadalkan ayaa muujinaya sida uu Yamal ugu hamuun qabo inuu mar kale Spain la gaaro finalka oo uu markan gacanta ku dhigo koobka.

🔥 “Nama joojin kartaan!”

Yamal ayaa sidoo kale fariin dhiirran u diray kooxaha kale ee tartanka, isagoo muujiyay in Spain aysan diyaar u ahayn inay ka tanaasusho hamigeeda.

“Nama joojin kartaan, waayo dhammaanteen waan rabnaa inaan ku guuleysanno.”

Spain ayaa sanadihii ugu dambeeyay si joogto ah uga mid ahayd xulalka ugu tartanka adag Yurub. Yamal-na wuxuu noqday mid ka mid ah wejiyada ugu muhiimsan jiilka cusub ee xulka, isagoo horey uga qeyb qaatay guulihii Spain ee tartamada waaweyn.Hadda indhaha ayaa lagu hayaa Yamal iyo Spain, iyadoo su’aashu tahay: ma awoodi doonaan inay markan gacanta ku dhigaan koobka Nations League? 🇪🇸🏆

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *