Yaa ku guuleysan doona abaalmarinta kooxda sanadka?

0
FB_IMG_1788940480591

waxaa laso saaray shanta kooxod ee u tartamaya abaalmarinta kooxda sanadka 2026, iyadoo koox kasta lagu qiimeynayo koobabkii ay qaaday, iyo tartanada ay ka qeeyb gashay iyo heerka ay ka gaartay taramadaas. Shanta kooxood ee liiska kujira waxaa kamid ah sedax kooxood oo Europ ah oo kala ah, Psg, Arsenal, Bayern Munich, halka lawada kale ay yihiin kooxda reer Brazil ee Flamengo iyo kooxda reer Norway ee Fk Bodø/Glimt.

Waxaa si gaar ah indhaha loogu hayaa Bodø/Glimt, oo ah kooxda ugu yaabka badan liiska. Kooxda reer Norway ayaa sanadkii hore markii ugu horreysay taariikhda ka qeyb gashay Champions League-ga,waxaana ay sameysay olole cajiib ah oo ay ku gaartay wareega 16ka ee Champions League-ga, halkaas oo ugu danbeyn ay kaga hartay, taasi wexey ahyd guul weyn oo taariikhi ah marka loo eego heerka kooxda iyo khibraddeeda Europe.

Dhanka kale, Psg wexey leedahay fursad aad u weyn kadib xili ciyaareed cajiib ah oo ay ku guuleysatay Champions League, halka Arsenal ay iyaduna gaartay fiinalka Champions League. Bayern Munich-na wexey kamid tahay kooxaha ugu waa weyn ee ku jira liiska, halka Flamengo ay Brazil kameteleyso shanta kooxood ee u tartamaya abaalmarintan.

Hadaba su’aasha waxay tahay: Psg, Arsenal, Bayern Munich, Flamengo, Fk Bodø/Glimt – tee ayaad u aragtaa iney tahay kooxda ugu mudan ee ku guuleysan karta abaalmarinta kooxda sanadka?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *