Xiddigaha Chalsea oo isku qabsaday abaal-marinta xiddiga garoonka kadib guushoodii Leeds.

0
Screenshot_20260910_125239_ChatGPT

Xiddigaha Kooxda Chelsea ayaa si kaftan ah ugu dooday qaadashada xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta kadib guushii soo laabashada laheyd ee ay ka gaareen kooxda Leeds.

Chalsea ayaa xalay ciyaartay kulan ka tirsan Carabao Cup iyada oo garoonkeeda ku soo dhaweysay kooxda Leeds, taas oo qeybtii hore ee ciyaarta hoggaanka ku qabatay 2-0.

Cole Palmer, Morgan Rogers iyo Pedro Neto oo beddel ku soo galay billawga qeybtii labaad ayaa Chelsea ka caawiyay in ay ciyaarta dib ugu soo laabato. Palmer ayaa dhaliyay labada gool ee Chelsea rajada usoo celiyay halka Pedro Neto uu dhaliyay goolka seddaxaad ee hoggaanka u dhiibay kooxda lagu naaneyso The Blues.

dani Welbeck ayaa asna ku daray laba gool oo kale, halka da’yarka xulka Argentina ee V.Barco uu u saxiixay kooxdiisa goolka lixaad. Waxaa xusid mudan in Morgan Rogers uu sammeeyay afar caawin, isaga oo door weyn ka qaatay soo laabashada cajiibka ah ee kooxdiisa.

kadib dhammaadkii ciyaarta ayaa la arkayay laacibiinta Chelsea oo ku kaftmaya abaal-marinta xiddiga garoonka, iyada xiddiga dhawaan galka ah ee Morgan Rogers oo hore cabasho uga qabay Cole Palmer in uu ka xaday dabbaal-deggiisa uu mar kale kula kaftamay Cole isaga oo yiri” Tani waa dhac! Aniga ayaa mudnaa abaal-marinta, maadama aan caawiyay afar gool. Sidani waa dembi xataa waxa uu dhaliyay Rigoore” haddaladaas oo u muuqday kuwa maad ah iyada oo labada ciyaariyahan ay ku faraxsanaayen guusha ay kooxdu gaartay.

gebagabadii, Weeraryahannada kooxda Chalsea ayaa u muuqda in si wacan isula jaan-qaadayan iyaga oo wacdaro ka dhigi kara horyaalka premier League-ga xilli ciyaareedkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *