“Ku guuleysiga Champions League ayaa iga muhiimsan inaan ku guuleysto Ballon d’Or.”
Xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappé ayaa sheegay in ku guuleysiga Champions League uu isaga uga muhiimsan yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.
Mbappé ayaa sanadkan ka mid ah ciyaartoyda u sharaxan abaalmarinta Ballon d’Or, iyadoo loo arko inuu fursad wanaagsan u leeyahay ku guuleysiga abaalmarinta, marka loo eego waxqabadkii shaqsiga ahaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer France ayaa weli aan ku guuleysan Champions League, waxaana xilli ciyaareedkan uu doonayaa inuu Real Madrid kula guuleysto tartanka ugu weyn qaaradda Yurub.
Mbappé ayaa markii uu ka tagayay kooxdiisii hore ee PSG u wareegay Real Madrid, iyadoo mid ka mid ah sababihii uu ugu hamuun qabay inuu ugu biiro kooxda reer Spain ay ahayd inuu rumeysnaa in Real Madrid ay tahay kooxda uu kula gaari karo riyadiisa ah ku guuleysiga Champions League.
Laakiin arrintu waxay noqotay mid xiiso gaar ah leh, maadaama Real Madrid aysan ku guuleysan Champions League labadii sano ee lasoo dhaafay, halka kooxdiisii hore ee PSG ay tartanka ku guuleysatay labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, xitaa si xiriir ah.
Haddaba, ma waxaa lagu tilmaami karaa nasiib-darro Champions League ka heysata Kylian Mbappé? Xiddigii ka tagay PSG si uu Real Madrid ula guuleysto Champions League ayaa hadda daawanaya kooxdiisii hore oo qaaday koobka uu isagu weli raadinayo.