Derby Manchester oo muran badan oo garsoor dhaliyay.

0
FB_IMG_1789361378753

Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay Manchester United kulankii Derby-ga Manchester, balse ciyaarta ayaa waxaa hareeyay go’aanno garsoore oo muran dhaliyay iyo dood xooggan oo ku saabsan goolka go’aamiyay natiijada.

Kulankii xalay ka dhacay gegida Old Trafford ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo saaka warbaahinadda caalamiga ah , kadib markii dhowr go’aan oo garsoore Michael Oliver iyo garsoorayaasha VAR ay qaateen ay dhaliilo xooggan kala kulmeen taageerayaasha iyo warbaahinta Ingiriiska.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu muranka badnaa ayaa timid daqiiqaddii 23-aad, markii Phil Foden la siiyay kaarka cas kadib markii uu Bruno Fernandes caloosha ka laaday, markuu ka carooday falka uu kula kacay Bruno. Go’aanka ayaa dhaliyay dood xooggan, iyadoo la is weydiinayay sababta Foden loo ciqaabay halka Bruno Fernandes uusan wax kaar ah ku helin falkaas.

Si kastaba ha ahaatee, muranka ugu weyn wuxuu ka dhashay goolkii Erling Haaland, kaas oo noqday goolka go’aamiyay kulanka.

Kubad uu Josko Gvardiol dhinaca goosha u laaday ayaa ku dhacday difaaca Manchester United, ka hor inta aysan Haaland u imaan, waxaana weeraryahanka reer Norway uu si qurux badan u dhammeystiray. Laakiin, doodda waxaa dhaliyay xaaladda garab-dhaafka ee EnzoFernández, maadaama Enzo Fernández uu ku jiray boos ay caddahay inuu offside ahaa, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Lisandro Martínez xilli uu difaacu isku dayayay inuu kubadda iska saaro.

Go’aannada garsoorka ayaa sidaas darteed noqday hadal-heynta ugu weyn ee kulanka, iyadoo PRO REF ay qiratay khaladaad garsoor oo dhacay iyo in goolka unitesd laga ansixiyay uu ahaa mid ay qaladkeeda laayihiin Michael Olivier iyo kooxda kale ee Var, taas oo sii kordhisay doodda ku saabsan sida VAR iyo garsoorayaashu u maareeyeen dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee kulanka.

Inkasta oo PRO REF ay raalli gelin bixyeen haddana goolkaasi waxa uu ahaa hadyad ay Manchester City kula midowday Arsenal hoggaanka miiska kala sarreynta Premier League-ga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *