Horyaalada Yurub oo FIFA ka dalbaday isbeddel weyn
Premier League, Bundesliga, LaLiga iyo Serie A ayaa si wadajir ah FIFA uga dalbaday in lagu sameeyo isbeddel weyn oo dhinaca maamulka ah. Afarta horyaal ayaa sheegay in dadka iyo hay’adaha si toos ah ugu lugta leh kubadda cagta ay u baahan yihiin door muuqda oo ay ku yeeshaan go’aamada waaweyn ee FIFA.Horyaalada ayaa soo jeediyay in la sameeyo gole joogto ah oo ay ku jiraan wakiillo ka socda xiriirada qaranka, horyaalada, kooxaha iyo ciyaartoyda.
Golehaas ayaa door ku yeelan lahaa go’aamada saameynaya jadwalka ciyaaraha, tartamada, shaqada ciyaartoyda iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah kubadda cagta.Waxay sidoo kale dalbadeen in go’aamada waaweyn ee FIFA lagu saleeyo xog iyo qiimeyn madax-bannaan, iyadoo sababaha iyo saameynta go’aamada la caddeeyo ka hor inta aan la ansixin. Sidoo kale, waxay doonayaan in si cad loo kala saaro awoodda FIFA ee nidaaminta kubadda cagta iyo hawlaheeda ganacsi.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli FIFA ay wajahday muran la xiriira qorshe ganacsi oo la xiriiray xuquuqda tartamada, kaas oo markii dambe laga noqday. Horyaalada Yurub ayaa sidoo kale muddo ka cabanayey jadwalka caalamiga ah oo sii ciriiri noqonaya iyo tartamada cusub ee kordhinaya culayska saaran kooxaha iyo ciyaartoyda.
Afarta horyaal ayaa ugu dambeyn ku baaqay in madaxweynaha FIFA ee soo socda uu 100-ka maalmood ee ugu horreeya xilkiisa qabto shir madax-bannaan oo looga arrinsanayo qaabka loo maamulayo kubadda cagta adduunka. Waxay sheegeen in FIFA ay u baahan tahay hay’ad xooggan, balse awooddaas ay la socoto isla-xisaabtan iyo ka-qaybgal ballaaran.