Kooxda Valencia ayaa xiiso u muujisay saxiixa goolhayihii hore ee Barcelona, Marc-André ter Stegen, iyadoo doonaysa inay dib ugu soo celiso horyaalka Spain, kaddib markii la sheegay in goolhayaha reer Germany uu isaguna xiiseynayo inuu mar kale ka ciyaaro La Liga.
Sida ay baahisay warbaahinta Barca Universal, oo soo xiganaysa barnaamijka Onda Deportiva Valencia, agaasimaha ciyaaraha Valencia, Braulio Vázquez, ayaa durba xog ka raadiyay xaaladda Ter Stegen, si uu u ogaado suurtagalnimada ay kooxdu kula soo wareegi karto goolhayaha marka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dib loo furo
Ter Stegen ayaa haatan amaah kula jooga kooxda Ajax ee dalka Netherlands, halkaas oo uu ka helay boos joogto ah, inkastoo uu doonayo inuu dib ugu laabto kubadda cagta Spain. Goolhayaha 34-jirka ah ayaa Ajax kaga biiray Barcelona heshiis amaah ah oo soconaya ilaa 30-ka Juun 2027, balse mustaqbalkiisa ayaa mar kale noqday mid hadal hayn badan dhaliyay.
Valencia ayaa sabab weyn u leh raadinta goolhaye khibrad leh, maadaama kooxdu dhibaato ka haysato booskaas, isla markaana ay horyaalka La Liga ku jirto xaalad adag. Goolhayaha hadda kooxda koowaad u ah, Stole Dimitrievski, ayaa wajahaya dhaleeceyn la xiriirta qaab ciyaareedkiisa, taasoo maamulka ku riixday inay ka fikiraan xoojin cusub. Imaanshaha Ter Stegen wuxuu kooxda siin karaa khibrad iyo tayo ay si weyn ugu baahan tahay.
Dhanka Barcelona, heshiiskan wuxuu noqon karaa fursad ay ku yareyso culayska dhaqaale ee mushaharka goolhayaha, maadaama kooxda reer Catalonia ay hadda bixiso ku dhowaad 90% mushaharkiisa inta uu Ajax joogo. Ter Stegen wuxuu Barcelona kula jiraa heshiis ilaa 2028 ah, waxaana kooxda u furan inay tixgeliso heshiis cusub oo amaah ah haddii Valencia ay diyaar u noqoto inay qaadato qayb weyn oo mushaharkiisa ah.
Goolhayaha reer Germany ayaa Barcelona u saftay 423 kulan oo rasmi ah, isagoo kula guuleystay 21 koob, oo ay ku jirto Champions League-ga 2015. Wuxuu muddo 12 sano ah ahaa mid ka mid ah tiirarka kooxda, balse imaatinka Joan García iyo isbeddellada qorshaha Hansi Flick ayaa sababay inuu ka tago kooxda amaah ahaan
Ilaa hadda ma jiro heshiis rasmi ah oo dhexmaray Valencia, Barcelona iyo Ajax, balse xiisaha Valencia iyo rabitaanka Ter Stegen ee ku aaddan ku laabashada Spain ayaa arrintan ka dhigaya mid mudan in si dhow loola socdo marka suuqa kala iibsiga Janaayo la gaaro.