Kooxda AS Roma ayaa xiriir la sameysay Chelsea si ay ugala hadasho suurtagalnimada ay ku heli karto garabka weerarka ee kooxda reer London, Jamie Gittens.
Roma ayaa xiiseyneysa inay safkeeda ku xoojiso laacibka da’da yar ee reer England, iyadoo maamulka kooxda ay doonayaan inay qiimeeyaan xaaladdiisa iyo fursadaha ay ugu dhaqaaqi karaan saxiixiisa.
Kooxda reer Talyaani ayaa haatan wadahadallo la bilowday Chelsea si ay xog dheeraad ah uga hesho suuragalnimada heshiiska, inkastoo aan weli la ogeyn mowqifka kama dambaysta ah ee kooxda reer London ee ku aaddan mustaqbalka laacibkan.
Jamie Gittens ayaa ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee la filayo inay door muhiim ah ka ciyaaraan mustaqbalka Chelsea, balse xiisaha Roma ayaa muujinaya in kooxo kale ay isha ku hayaan xaaladdiisa.
Waxaa la sugayaa sida ay u socdaan wadahadallada labada kooxood iyo haddii Roma ay tallaabo rasmi ah ka qaadi doonto sidii ay ku heli lahayd saxiixa garab-weerarkan.