Kooxda Real Madrid ayaa heshiis cusub la gaartay kabtankeeda Federico Valverde, kaas oo la filayo inuu mustaqbalkiisa ku sii xirnaado garoonka Santiago Bernabéu ilaa sanadka 2031, sida ay warisay warbaahinta AS ee dalka Spain.
Heshiiska haatan uu Valverde kula joogo kooxda ayaa ku eg sanadka 2029, balse maamulka Real Madrid ayaa go’aansaday inay laba sano oo dheeraad ah ku kordhiyaan, si ay u xaqiijiyaan joogitaanka mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxdooda. Heshiiska cusub ayaa sidoo kale la socda sare u qaadis mushahar, taas oo ka dhigi doonta Valverde mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda.
Go’aankan ayaa ah abaalmarin uu ciyaaryahanka reer Uruguay ku muteystay waxqabadkiisa, hoggaamintiisa iyo sida uu mar walba diyaar ugu yahay inuu kooxda uga ciyaaro boos kasta oo looga baahdo. Tababare José Mourinho ayaa si weyn u qiimeeya awoodda Valverde, isaga oo xitaa u arkaya ciyaaryahan lagu kalsoonaan karo marka loo baahdo inuu ka ciyaaro daafaca.
Xilli ciyaareedkan Valverde wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda sida weyn loo isticmaalo, isagoo ilaa hadda saftay 15 kulan, dhaliyayna saddex gool, halka uu sidoo kale bixiyay laba caawin. Tiradaas ayaa muujinaysa saameynta uu ku leeyahay labada dhinac ee ciyaarta, weerarka iyo difaaca.
Valverde oo 28 jir ah ayaa Real Madrid ku soo biiray isagoo da’yar, waxaana uu kooxda kala soo guuleystay 14 koob, isagoo sidoo kale gaaray 387 kulan, 44 gool iyo 46 caawin. Hadda wuxuu noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn kooxda, waxaana joogitaankiisa loo arkaa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha mustaqbalka Real Madrid.
Real Madrid ayaa xilligan dadaal xooggan ugu jirta inay heshiisyo cusub ka saxiixato xiddigaheeda muhiimka ah, kaddib heshiisyadii dhawaan la gaaray Arda Güler iyo Aurélien Tchouaméni. Waxaa sidoo kale socda qorshayaal la xiriira Jude Bellingham, Thibaut Courtois iyo Brahim Díaz, si kooxda loo ilaaliyo laf-dhabarteeda sannadaha soo socda.
Heshiiska Valverde ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo maalmaha soo socda, iyadoo Real Madrid ay doonayso inay mustaqbalkeeda ku dhisto ciyaartoyda hadda laf-dhabarta u ah kooxda.