Olise oo loo doortay xiddiga Bundesliga ee bisha, kadib bandhig cajiib ah

0
FB_IMG_1790868268474

Michael Olise ayaa loo magacaabay Ciyaaryahanka Bisha Bundesliga ee September 2026, isagoo abaalmarinta ku helay bandhiggiisii wacnaa ee uu u sameeyay Bayern Munich. Xiddiga reer France ayaa ka sarre maray ciyaartoydii kale ee abaalmarinta u tartamay, taasoo sii xoojinaysa bilowgiisa wanaagsan ee xilli ciyaareedkan.

Olise ayaa ka qayb qaatay dhammaan saddexda kulan ee Bayern ciyaartay Bundesliga intii lagu jiray September, isagoo dhaliyay 3 gool, isla markaana bixiyay hal caawin. Mid ka mid ah bandhigyadiisii ugu waaweynaa wuxuu yimid kulankii ay Bayern 7-0 kaga adkaatay Union Berlin, halkaas oo uu dhaliyay saddexleydiisii ugu horreysay ee Bundesliga.

Abaalmarintan ayaa ku soo biiraysa bilihii ugu dambeeyay ee Olise uu si gaar ah uga dhex muuqday Bundesliga. Xilli ciyaareedkii 2025/26, wuxuu sidoo kale ku guuleystay Player of the Season, isagoo xilli ciyaareedkaas dhaliyay 15 gool isla markaana sameeyay 19 caawin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *