Kulanka weyn ee galabta saacadda 3:30 ka dhici doona garoonka Stamford Bridge ayaa leh xiiso gaar ah, maadaama uu noqon doono kulankii 200-aad ee ay isaga hor yimaadaan labada kooxood ee waaweyn ee Chelsea iyo Manchester United.
Warbaahinta kala duwan ee ciyaaraha ayaa siyaabo kala duwan u falanqeysay kulankan, iyadoo diiradda la saarayo xaaladda ay labada kooxood ku sugan yihiin, cadaadiska saaran labada tababare iyo kooxda loo saadaalinayo inay guusha gaari karto.
Shabakadda Opta Analyst oo caan ku ah falanqaynta xogta iyo saadaalinta natiijooyinka kulamada kubadda cagta ayaa Chelsea siinaysa fursadda ugu badan ee ay ku guuleysan karto kulankan.
Sida saadaasha Opta muujinayso, Chelsea ayaa haysata fursad dhan 51% oo ay guusha ku gaari karto, halka Manchester United loo saadaaliyay 23%, iyadoo 24% la siinayo suurtagalnimada in kulanku ku dhammaado barbaro.
Guul ay Chelsea gaarto ayaa sare u qaadi karta rajada taageerayaasheeda, halka guuldarro kale oo Manchester United soo gaarta ay sii kordhin karto cadaadiska saaran tababare Michael Carrick, isla markaana su’aalo dheeraad ah ka dhalin karto mustaqbalkiisa kooxda.
Xaaladda labada kooxood ka hor kulanka
Labada kooxood ayaa kulankan ku imaanaya guuldarrooyin ay kala kulmeen kulamadoodii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League. Manchester United ayaa guuldarro 3-0 ah kala kulantay Bournemouth, halka Chelsea ay iyaduna guuldarro 2-0 kala soo kulantay Tottenham.
Chelsea ayaa hadda fadhisa kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 13 dhibcood. Kooxda reer London ayaa guuleysatay afar ka mid ah siddeeddii kulan ee ay ciyaartay, hal kulan ayay barbaro gashay, halka saddex kalena laga badiyay.
Chelsea ayaa ilaa hadda dhalisay 17 gool, waxaana laga dhaliyay 15 gool, taasoo muujinaysa in difaaceedu uusan weli gaarin heerkii laga filayay.
Dhanka kale, Manchester United ayaa ku jirta xaalad ka sii adag, iyadoo fadhisa kaalinta 16-aad ee horyaalka, ayada oo leh toddobo dhibcood. Red Devils ayaa siddeeddii kulan ee ay ciyaartay Premier League ka gaartay hal guul oo keliya, afar kulan ayay barbaro gashay, halka saddex kalena laga badiyay.
Manchester United ayaa dhalisay 10 gool, waxaana laga dhaliyay 13 gool, iyadoo dhibaatada kooxdu ay ka muuqato labada dhinac ee weerarka iyo difaaca.
Waxaa intaas dheer in Manchester United aysan wax guul ah gaarin siddeeddii kulan ee ugu dambeysay ee ay ciyaartay dhammaan tartamada, arrintaas oo cadaadis weyn saareysa tababare Michael Carrick, kaasoo u baahan natiijo wanaagsan si uu dib ugu soo celiyo kalsoonida taageerayaasha kooxda.
Kulanka caawa ayaa sidaas darteed noqonaya imtixaan muhiim u ah labada kooxood, gaar ahaan Manchester United oo u baahan inay soo afjarto natiijooyinkeeda liita, halka Chelsea ay doonayso inay garoonkeeda kaga faa’iideysato fursadda ay Opta u saadaalisay.