Ururka caalamiga ah ee ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda kubadda cagta ee FIFPRO ayaa si kulul uga hadlay xaaladda xiddiga Bayern Munich, Jamal Musiala, kaddib hadallo isdaba joog ah oo ay madaxda kooxda ka jeediyeen heshiiskiisa xilli uu weli ku jiro marxaladda kasoo kabashada dhaawaca. Ururku wuxuu walaac xooggan ka muujiyay sida maamulka Bayern uu arrinta caafimaadka iyo mustaqbalka ciyaaryahanka ugu soo bandhigay fagaaraha warbaahinta, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay cadaadis aan habboonayn oo lagu saarayo ciyaaryahanka iyo wakiilladiisa.
FIFPRO ayaa bayaan rasmi ah oo ay soo saartay ku muujisay sida ay uga walaacsan tahay hadallada isdaba joogga ah ee ay madaxda Bayern Munich ka jeediyeen heshiiska Jamal Musiala, xilli ciyaaryahanku uu dadaal ugu jiro inuu si buuxda uga soo kabto dhaawacii soo gaaray.
Ururka ayaa xusay in madaxweyne sharafeedka kooxda, agaasimaha guud iyo agaasimihii hore ee fulinta ay dhammaantood waqti kooban gudaheed si fagaare ah su’aalo uga keeneen heshiiska Musiala.
FIFPRO waxay aaminsan tahay in hadalladaasi aysan ahayn kuwo iska yimid, balse ay qayb ka yihiin istaraatiijiyad lagu cadaadinayo ciyaaryahanka iyo wakiilladiisa, gaar ahaan xilli ay dhici karto in wadaxaajoodyo heshiis ku noqod ah ay yimaadaan.
FIFPRO waxay intaas ku dartay in koox sumcad iyo taariikh weyn ku leh kubadda cagta sida Bayern Munich ay tahay inay si wanaagsan u fahamto masuuliyadda ka saaran daryeelka ciyaartoydeeda, gaar ahaan marka ay dhaawac ka soo kabanayaan.
Ururku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hubanti la’aanta laga abuuro mustaqbalka ciyaaryahan ay saameyn taban ku yeelan karto caafimaadkiisa maskaxeed, iyadoo xaaladdaasi ay kasii dari karto marka uu qofku ku jiro marxalad soo kabasho dhaawac. Sidaas darteed, in caafimaadka iyo mustaqbalka Musiala laga dhigo dood fagaare ah waxay sii kordhin kartaa culayska uu wajahayo.
Dhanka kale, FIFPRO waxay sheegtay in haddii Bayern Munich ay wax tabasho ah ka qabto heshiiska Musiala, ay tahay inay si gaar ah ugala hadasho isaga iyo wakiilladiisa, halkii arrinta loo soo bandhigi lahaa warbaahinta.
Bayaanka ayaa si gaar ah u xusay in dhaawac ciyaaryahan soo gaara ama hoos u dhac ku yimaada qaab ciyaareedkiisa uusan kooxda siinayn wax sabab sharciyeysan oo ay dib ugu furto heshiis ay horay u oggolaatay. Sidoo kale, ciyaaryahan qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhiga xaq toos ah uma yeelanayo inuu dalbado kordhin mushahar haddii aysan jirin heshiis arrintaas dhigaya.
FIFPRO waxay xusuusisay in xasilloonida heshiisyada ciyaartoyda ay tahay mabda’ aasaasi ah oo ay FIFA, kooxaha, horyaallada iyo ururrada ciyaartoydu isla garteen, isla markaana uu ilaalinayo danaha labada dhinac.
Gabagabadii,Mowqifka FIFPRO wuxuu muujinayaa in arrinta Musiala aysan ku koobnayn oo keliya heshiis ciyaareed iyo dhaqaale, balse ay sidoo kale taabanayso xuquuqda ciyaartoyda, caafimaadkooda maskaxeed iyo masuuliyadda ay kooxuhu ka saaran tahay daryeelkooda.
Ururku wuxuu si cad u muujiyay garab istaaggiisa Jamal Musiala iyo dhammaan ciyaartoyda in la ixtiraamo heshiisyadooda, isaga oo sidoo kale kooxaha u diray farriin ah in ballanqaadyada heshiisyada ay tahay inay iyaguna ilaaliyaan.
Su’aasha hadda taagan ayaa ah: Bayern Munich ma tixgelin doontaa digniinta FIFPRO, mise khilaafka ku saabsan mustaqbalka Musiala ayaa sii xoogeysan doona xilli uu xiddigu u baahan yahay xasillooni iyo taageero si uu dib ugu helo heerkiisii ciyaareed?