Halyeeygii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaan waxba u reebin kooxdiisii hore kaddib guuldarradii culus ee 4-0 ahayd ee ay kala kulantay Liverpool. Keane ayaa si adag u dhaliilay qaab ciyaareedka kooxda, isaga oo su’aal geliyay dadaalka, tayada iyo masuuliyadda ciyaartoyda, wuxuuna sheegay in Liverpool ay fursad u heshay inay dhaliso goolal intaas ka badan.
Roy Keane oo caan ku ah dhaliilihiisa aan gabashada lahayn ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay bandhiggii liitay ee Manchester United, isaga oo diiday in kaarka cas ee ay kooxdu qaadatay uu marmarsiiyo u noqdo guuldarrada weyn ee soo gaartay.
“Ma koox toban ciyaaryahan ah ayaa weligeed natiijo wanaagsan gaartay? Dabcan, taasi si buuxda ayay suurtagal u tahay,” ayuu yiri Keane, isaga oo tilmaamaya in ciyaartoyda Manchester United ay awood u lahaayeen inay muujiyaan dagaal iyo dadaal dheeraad ah inkasta oo ay tiro ahaan ka yaraayeen Liverpool.
Wuxuu intaas ku daray in waxa uu arkay aysan ahayn wax la aqbali karo, isaga oo su’aal ka keenay sida dadka qaar ay guuldarradaas ugu tilmaamayaan mid aan sidaas u xumayn.
“Ma waxaad leedahay Manchester United wax ka wanaagsan ma aysan sameyn karin? Ugu yaraan muujiya dagaal iyo tayo dheeraad ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhaliisha ugu weyn ee Keane waxay timid markii uu ka hadlay fursadihii Liverpool ay heshay intii ciyaartu socotay. Wuxuu aaminsanaa in kooxda martida loo ahaa ay awood u lahayd inay guuldarrada ka dhigto mid intaas ka sii fool xun.
“Ma rumaysan karo waxa aan maqlayo. Liverpool waxay ahayd inay dhaliso siddeed ama sagaal gool,” ayuu yiri halyeyga reer Ireland.
Keane kuma ekaan bandhigga garoonka, balse wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay masuuliyadda ciyaartoyda, isaga oo xusuusiyay in Manchester United ay laba sano ka hor ku dhamaysatay kaalinta 15-aad ee horyaalka, isla markaana aan mar walba eedda dusha laga saari karin maamulka, milkiilayaasha iyo tababarayaasha.
“Waxaan eedeynaa guddiga maamulka, milkiilayaasha iyo tababarayaasha. Goorma ayay ciyaartoydu ugu dambayn qaadanayaan masuuliyadda?” ayuu isweydiiyay.
Sidoo kale, Keane ayaa si gaar ah uga falceliyay taageerayaasha Manchester United ee sacabka u tumayay ciyaartoyda kaddib bandhiggaas liita, isaga oo la yaabay waxa ay ku bogaadinayeen.
“Taageerayaashu way sacbinayaan, laakiin maxay sacbinayaan? Ma Bandhiggaas ciyaareed ee laga xumaado,” ayuu si kulul u yiri.
Ugu dambeyntii,Hadalka Roy Keane ayaa mar kale dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan dhibaatada Manchester United iyo masuuliyadda ay ciyaartoydu ka saaran tahay xaaladda kooxda. In kasta oo tababarayaasha, maamulka iyo milkiilayaasha ay qayb ku leeyihiin dhismaha koox guuleysata, haddana bandhigga garoonka waxaa ugu dambayn go’aamiya ciyaartoyda.
Su’aasha weli taagan ayaa ah: goorma ayay xiddigaha Manchester United garwaaqsan doonaan culayska shaadhka ay xiran yihiin, ayna bilaabi doonaan inay garoonka ku muujiyaan waxqabad u qalma taariikhda iyo sharafta kooxdan?