Yaya Toure oo caawa qori doona taariikh cusub oo champions League ah.

0
FB_IMG_1788983388083

Yaya Toure ayaa caawa qori doona taariikh cusub oo dhanka tababbaranimada ah isaga oo noqon doona tababbarihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee hoggaamiya koox kulan Champions League ah.

xiddigii hore ee kooxaha Manchester City iyo Barcelona, sidoo kalena ahaa kabtankii hore ee xulka Coťe d’Ivoire, Yaya Toure, ayaa caawa fursad u heysta in uu taariikh weyn ka sammeeyo dunida tababbayaasha isaga oo hoggaamin doona kooxda reer Slovakia ee Sk slovan Bartslava kulan ka tirsan tartanka Uefa Champions League heerka garuubyada.

kooxda slovan Bartslava ayaa Yaya u magacawday in uu leyliyo bishii Juun ee sannadkaan 2026. Muddo kooban oo uu kooxda hoggaaminaayay, Toure ayaa muujiyay waxqabad wanaagsan, isaga oo kooxda ka caawiyay in ay gaarto heerka guruubyada ee tartanka Champions league-ga.

kooxda tababbaare Yaya wareegga isreeb-reebka ku soo reebtay kooxda Celje, kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay isku darka labada kulan taas oo xaqiijisay in ay u gudubtay wareegga guruubyada ee tartanka.

ugu dambeyntii Yaya Toure iyo kooxdiisa Slovan Bartslava ayaa wajihi doona kooxo waaweyn oo ay Ka mid yihiin Barcelona, PSG, Inter Milan iyo Borussia Dortmund. Kulamadaan ayaa noqon doona fursad muhiim ah oo lagu qiimeeyn doono awoodda iyo xirfadda tababbaranimo ee Macallin Yaya Toure.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *