Kooxda Barcelona oo awood ku maamulanaysa horyaalka Laliga
Kooxda kubbadda cagta ee Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan muujinaysa bandhig aad u sarreeya, iyada oo hoggaanka u haysa horyaalka, halka xiddigaha Barcelona ay hayaan gooldhalinta iyo caawinta horyaalka.
Barcelona, oo uu ka tegay gooldhaliyahoodii Robert Lewandowski, ayaa la islahaa wax badan ayay ku dhibtoon doonaan dhalinta goolasha. Hase yeeshee, waxay muujisay si ka duwan wixii la filayay, iyada oo afar kulan oo horyaalka ah dhalisay 17 gool. Tani waxay kordhinaysaa fursadda ay Barcelona ku difaacan karto horyaalka. Sidoo kale, tani waxay muujinaysaa in kooxdu ku dagaalami karto ku guuleysiga Horyaalka Kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, oo aysan ku guuleysan tan iyo 2015-kii.
Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa muujiyay bandhig heer sare ah, isaga oo ciyaaraya boos aan ahayn kiisa asalka ahaa. Afartii kulan ee ugu horreeyay horyaalka, wuxuu ciyaarayay lambarka 9-aad ee kooxda, isaga oo dhaliyay 6 gool, caawiyayna mid kale.
Sidoo kale, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fermin Lopez ayaa isna si wanaagsan ku bilowday, isaga oo dhaliyay afar gool, caawiyayna 2 kale afartii kulan ee uu ciyaaray horyaalka.
Saxiixa cusub ee Barcelona, Anthony Gordon, ayaa isna muujiyay bandhig fiican, isaga oo hoggaaminaya caawinta horyaalka, waxaana uu caawiye ka noqday 4 gool.
Ku guuleystaha Koobka Adduunka iyo da’yarka reer Spain ee Lamine Yamal ayaa isna si wacan ku bilowday, isaga oo dhaliyay afar gool afartii ciyaarood ee uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.
Ugu dambeyntii, wiilasha macallin Hansi Flick ayaa qaba rajo aad u ballaaran oo ku aaddan ku guuleysiga Champions League-ga iyo dhammaan koobabka ay dheelayaan, inkasta oo ay xujo adag kala kulmi doonaan kooxda ay sida adag u xifaaltamaan ee Real Madrid.
Ma isleedahay Barca waa qaadi kartaa lixley koobab ah, mise waxay noqon doontaa mid ku banjarta meel dhexe?