Tartanka xiisaha badan ee Uefa Champions League oo soo laabtay

0
FB_IMG_1788849831943

Tartanka ugu xammaasadda badan Yurub ee Uefa Champions League ayaa caawa oo taariikhdu ku asteysantahay 8 September dib u furmi doona iyada oo ay kooxuhu safafkooda aad u soo xoojiyeen isla markaana koox waliba ay rajo ballaaran ka qabto hanashada koobka dhega weynaha xilli ciyaareedkan 2026/2027.Kooxda kubada cagta ee PSG ayaa difaacanaysa tartankaan ayado labadii sano ee lasoo dhaafay si isku xig-xigta ugu guleysatay waxa ayna sannadkaan doonaysaa in ay barbareyso Rikoorka u yaala kooxda reer Spain ee real Madrid taas oo seddax jeer oo xiriir ah ugu guuleystay tartankaan sannadihii 2016-2017-2018.sidoo kale, Kooxo badan ayaa sannadkaan doonaya in ay ku guuleystaan Tartankan.

Kooxda Barcelona ayaa kamid ah kooxaha aadka loogu sadaalinayo sannadkan ku guuleysiga tartanka Uefa Champions league ayaga oo ku billowday bandhig qurux badan xili ciyaareedkaan iyada oo ay xusid mudan tahay in Barcelona aysan mudo 11sano ku guuleysan tartanka dhega weynaha Yurub. Kooxda reer England ee The gunners Arsenal oo iyaduna sannadihii dambe muujinaysay bandhig fiican oo tartankaan ah ayaa iyadu ku rajo weyn in ay sannadkaan la hoyato koobka dhega-weyne markoodi ugu horreysay taariikhda, iyada sannadkii hore looga qaaday gool ku laadyo.Kooxda real Madrid ayaa ah kooxda ku guuleystay sannadaha ugu badan tartankaan iyada oo qaadday wadar dhan 15 jeer.

Kooxda cadka cadka iyo tababbarahooda reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa iyaguna isku dayi doona in ay dhega weynaha ku soo celiyaan qalcadda Santiago Bernabau.Kooxaha Bayern Munchen, Manchester City, Liverpool ayaa iyaguna dhankooda ku dagaalami kara hanashada koobkan.ugu dambeyntii ayaa loo calaama saari doona horyaalka horyaallada Yurub dhammaadka xilli ciyaareedkaan, ma PSg ayaa barbareyn karta rikoorka u yaalla kooxda reer Spain, ma barca ayaa ka dejin doona Camp nou mise arsenal ayaa markii ugu horreysay taageerayaasheda hor dhigi doonta koobka dhega weyne?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *