Garoonka gudihiisa ayaa lagu gudoon siiyay abaalmarinta gool dhaliyaha ugu sarreeya Champions League xilli ciyaareedki horre
kylian mbappe ayaa xalay lagudoonsiiyay abaalmarinta gool dhaliyaha ugu sarreeya tartanka Champions League-ga, xilli ciyaareedkii hore. Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkii hore noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya tartanka Champions League-ga,isagoo tartanka ka dhaliyay 14 gool. Abaalmarintan wuxuu ku garaacay Harry kane oo noqday xiddiga lawaad ee goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka Champions league xagaagii hore.
Xiddiga u ciyaraya kooxda Real Madrid, kylian Mbappe ayaa xagaagii hore ku guuleystay kabaha gool dhalinta tartamada Champions League, Laliga iyo sidoo kale Mundiyaalka dunida,isagoo sidaas ku aruursaday dhamaan kabihii gool dhalinta ee tartamadaas. Waxaa xusid mudan, heerka gool dhalineed ee uu gaaray haddana uusan ku guuleysan wax koob ah.
Kylian mbappe ayaa hadda doonaya wax qabadkiisa gool dhalineed lagu abaalmariyo jaa’isada Ballon di’or sanadkan, isagoo kamid ah ciyaartoyda utartameysa abaalmarintan.