Kubadda cagta Spain ayaa la ciirciiraysa murugo kadib markii la xaqiijiyey geerida weeraryahanka kooxda CD Tenerife, Jesús de Miguel, kaas oo dhaawac halis ah soo gaaray intii ay socotay ciyaartii kooxdiisu la lahayd FC Andorra, kaddib markii uu bogga kaga dhacay jilibka goolhayaha kooxda Andorra.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday intii lagu jiray daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta labada kooxood, taas oo qayb ka ahayd horyaalka heerka labaad ee dalka Spain.
Jesús de Miguel ayaa kubbad dheer u ordayey markii goolhayaha Andorra, Jesús Owono, uu ka soo baxay goolkiisa si uu kubbadda u joojiyo, balse jilibkiisa ayaa si xooggan ugu dhacay laabta weeraryahanka Tenerife.
Laacibka ayaa isla markiiba dhulka ku dhacay, isaga oo miyir beelay, waxaana garoonka loogu yeedhay shaqaalaha caafimaadka kuwaas oo muddo ku daweynayey ka hor inta aan ambalaas loogu qaadin isbitaalka.
Xaaladda caafimaad ee ciyaaryahanka ayaa markii hore lagu tilmaamay mid aad u halis ah, waxaana markii dambe la xaqiijiyey in xaaladdiisu kasii dartay, iyadoo CD Tenerife uu maanta oo Talaado ah, 3-da Nofeembar 2026, si rasmi ah u shaaciyey geeridiisa.
Jesús de Miguel oo ahaa 30 jir ayaa geeriyooday saacaddu markay ahayd 8:00 subaxnimo, sida ay xaqiijisay kooxdiisu.
Geerida Jesús de Miguel ayaa dhabar-jab weyn ku ah qoyskiisa, kooxdiisa iyo guud ahaan bahda kubadda cagta. Waa dhacdo murugo leh oo mar kale xusuusinaysa in geeridu ay tahay waxa ugu dhaw ee innagu dhiciya kara innaga oo ku sugan goob kasta.