Barcelona oo qaab ciyaareed cajiib ah ku furatay Champions League!

0
FB_IMG_1788980371401

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa si xooggan ku furatay tartanka Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, kadib markii ay 5-1 ku xasuuqday kooxda reer Holland ee Feyenoord, kulan kadhacay garoonkeeda Camp nou. Barcelona ayaa markale muujisay awooddeda weerarka, iyadoo Raphinha uu dhaliyay lawo kamid ah shanta gool, Karim adeyemi,Lamine Yamal iyo saxiixa cusub ee Gabriel Jesus ayaa iyaguna min hal gool shabaqa ku hubsaday. Feyenoord ayaa hal gool rajo ah ka dhalisay, balse Barcelona ayaa inta badan gacanta ku heysay ciyaarta.

Kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ayaa xilli ciyaareedkaan ku billawatay qaab aad u wanaagsan, iyadoo weerarkooda uu si gaar ah umuuqdo. Raphinha ayaa shantii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedkaan ayaa si weeyn u iftiimaya, halka Lamine Yamal uu sii wado bandhigyada cajiibka ah ee uu kusoo bandhigayo kooxda.

Barcelona ayaa sidoo kale xagagan xoojisay kooxdeeda,iyadoo ciyaartooy ay kamid yihiin Karim adeyemi iyo Gabriel Jesus ay durba saameyn ku yeesheen kooxda. Lamine Yamal-na wuxuu si cad usheegay in ku guuleysiga Champions League-ga uu yahay bartilmaamedkiisa ugu weyn xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *