Maxaa laga filan karaa kulamada maanta ee horyaalka PremierLeague-ga?
Horyaalka Premier League ayaa maanta geli doona marxalad kale oo xiiso leh, iyadoo la ciyaari doono kulamo ka tirsan wareegga afaraad ee xilli ciyaareedka.
Kooxo dhowr ah ayaa doonaya inay sii wataan bandhigooda wanaagsan, halka kuwo kalena ay raadinayaan dhibcihii ay ku dejin lahaayeen qalbiga taageerayaashooda.
Kulamo waaweyn ayaa galabta iyo fiidkii isha lagu hayaa, gaar ahaan kuwa ay ciyaarayaan kooxaha Chelsea, Liverpool, Tottenham iyo Arsenal, kuwaas oo dhammaantood wajahaya kooxo caqabad ku noqon kara.
Chelsea oo Stamford Bridge ku qaabilaysa Hull City.
11-ka galabnimo xilliga Geeska Afrika, Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweyn doonta Hull City, oo si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.
Hull City, oo muddo ku dhow toban sano ka maqneyd horyaalka Premier League, ayaa xilli ciyaareedkaan saddexdeeda kulan ee ugu horreeya ka soo urursatay toddoba dhibcood, iyadoo bilowgeeda xooggan uu muujinayo inay diyaar u tahay ku sii negaanshaha horyaalka sannadka dambe.
Waxaa xusid mudan in Hull City ay kulankeedii furitaanka xilli ciyaareedka guul ka gaartay Manchester United, taas oo siisay kalsooni dheeraad ah.
Dhanka Chelsea, kooxda reer London ayaa si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedka, iyadoo guulo ka gaartay labadii kulan ee ugu horreeyay, balse toddobaadkii hore guuldarro kala kulantay Arsenal kulankii derby-ga London. Chelsea ayaa maanta dooneysa inay ka soo kabato guuldarradaas, halka Hull City ay rajaynayso inay sii waddo qaab ciyaareedkeeda wanaagsan.
Liverpool oo Anfield ku qaabilaysa Fulham.
Isla waqtigaas, Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku martigelin doonta Fulham.Liverpool ayaa doonaysa inay sii xoojiso bilowgeeda xilli ciyaareedka, iyadoo taageerayaasheedu ay filayaan in kooxdu sameyso bandhig muujiyana in ay kooxdu tahay mar lale u tartame hanashada horyaalka ah.
Fulham, oo uu hoggaamiyo macallin Alvaro Arbeloa,ayaa iyaduna raadineysa inay hesho guusheedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkaan horyaalka. Kooxda reer London ayaa saddexdii kulan ee ugu horreeyay anan helin wax dhibco ah , iyadoo maanta u baahan natiijo wanaagsan si ay u muujiso in ay ka go’an tahay in ay u dagaalanto in ay sii joogto horyaalka xilli ciyaareedka dambe.
Kulanka Anfield ayaa sidaas darteed noqon kara imtixaan adag oo labada dhinacba fursad u siinaya inay caddeeyaan halka ay hiigsanayaan xilli ciyaareedkan.
Tottenham oo baadi-goobaysa guusheedii ugu horreysay xilli ciyaareedkaan Premier League-ga.
Tottenham Hotspur ayaa iyaduna garoonkeeda ku qaabilaysa Everton, iyadoo si weyn u raadinaysa guusheedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka.Tottenham ayaa saddexdii kulan ee ay ciyaartay laga badiyay laba ka mid ah , halka kulanka kale ay barbaro gashay, iyada oo aanbweli shabaqa taabsiin wax gool ah.
Bilowgaas aan wanaagsanayn ayaa cadaadis dheeraad ah saaraya kooxda, taasoo xilli ciyaareedkan suuqa kala iibsiga ku bixisay lacag badan, lana soo wareegtay laacibiin heerkoodu sarreeyo.
Tottenham ayaa maanta u baahan saddexda dhibcood, balse Everton oo iyaduna doonaysa inay natiijo wanaagsan ka hesho kulankan taasoo kulankaan ka dhigeysa mid leh xiiso gaar ah.
Arsenal oo Sunderland booqanaysa.
Dhanka kale, Arsenal ayaa 10-ka habeenimo xilliga Geeska Afrika booqan doonta Sunderland, iyadoo rajaynaysa inay sii socoto waddada guulaha ee xilli ciyaareedkan.
The Gunners ayaa si heer sare ah ku bilaabatay horyaalka, waxaana kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay doonaysaa inay sii xoojiso rajadeeda ku aaddan difaacashada horyaalka.
Sunderland, oo garoonkeeda ku ciyaaraysa, ayaa iyaduna dooneysa inay ka faa’iidaysato taageerayaasheeda iyo faa’iidada garoonkeeda si ay dhibco uga hesho Arsenal. Waxaa xusid mudan in Arsenal ay xilli ciyaareedkii hore dhibco ku lumisay garoonka Sunderland, taasoo kulanka maanta ka dhigaysa mid ay kooxda London si gaar ah u danaynayso.
Maxaa laga filan karaa kulamada maanta?
Kulamada maanta ayaa xambaarsan su’aalo badan: Chelsea ma ka soo kaban kartaa guuldarradii Arsenal? Hull City ma sii wadan kartaa bilowgeeda cajiibka ah? Liverpool ma awoodi doontaa inay Anfield kaga adkaato Fulham? Tottenham ma heli kartaa guusheedii ugu horreysay? Arsenal-na ma sii wadan kartaa qaab ciyaareedkeeda wanaagsan marka ay booqato Sunderland?