Chelsea oo wajahaysa dhibaato weyn oo dhanka shabaqeeda ah

0
FB_IMG_1789199787405

Kooxda Chelsea ayaa wajahaysa dhibaato weyn oo dhanka difaaca ah, iyadoo 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ay ciyaartay ay shabaqeeda gaareen kooxaha ka soo horjeeday.

Chelsea oo muddo dheer lagu yaqaanay adkeynta difaaca ayaa haatan ku jirta xaalad ka duwan sidii hore, iyadoo rikoor sidan oo kale ah aan kooxda lagu arag muddo ku dhow 60 sano. Dhibaatadan ayaa sii socotay xitaa kadib markii uu kooxda ka tagay goolhiyihii hore Robert Sánchez, kaasoo lagu beddelay goolhayaha reer Argentina ee Emiliano Martínez.

Si kastaba ha ahaatee, isbeddelka goolhayaha ayaan ilaa hadda wax weyn ka beddelin xaaladda, iyadoo Chelsea ay wali ku dhibtoonayso inay si joogto ah u ilaaliso shabaqeeda.

Macallinka kooxda, Xabi Alonso, ayaa hadda wajahaya su’aal weyn oo ku saabsan halka ay dhab ahaan ka timid dhibaatadu: ma difaaca kooxda ayaa liita, mise goolhayaha ayaa sababta ugu weyn ah? Waxa muuqata in Chelsea ay u baahan tahay inay si degdeg ah u hagaajiso nidaamkeeda difaac haddii ay doonayso inay xilli ciyaareedkan la tartanto kooxaha ugu sarreeya Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *